Posts

Abwaan Heersare (Asal baan u leenahay murtida)

Maalin maalmaha kamida ayaa waxan soo booqday reer aanu qaraabo ahayn.  Gabadhii reerka marwadiisa ahayd oo maqli jirtay Axmad Aadan Dheel ayaa gabyo ayaa waxay igu tiri: "Walalow gabayga aderkaa Abwaan Faarax Xuseen Sharmaarke miyaad ka keentay!". Kadib anigoo muujinayo in gabayga an u leeyahay abtir iyo asal ayaa waxan iri: πŸ”† Asal baan u leenahay murtida, idil ahaanteene, πŸ”† Awowgay labaad waa abwaan, aaqiloo sare'e, πŸ”† Sayidkaa inuu ahaa u qiray, aafa samawaade, πŸ”† Dheel inuu akhyaar iyo ahaa, deeqsi la amaano, πŸ”† Adeer Faarax baa gabay murti leh, kuu aqrinayaaye, πŸ”† Aabahayna waa ridan yaqaan, erayo waawayne, πŸ”† Anigana Abwaan-Heersare y, igu ismaayaane, πŸ”† Asluubtiyo aqoontay arkeen, igu amaaneene, πŸ”† Axmad Aadan Dheel baan ahoo, aabi ma aqaane, πŸ”† Afar iyo tobnaad baan ahiyo, dayax ilayskiiye, πŸ”† Allaa mahad leh aayaha dambana, aaqillaa jiriye,  πŸ”† Iinshaa Allaahuye ducada, wuu aqbalayaaye,

Facebook: Is barasho

Image
💫 Inanyahay aqoon kuuma lihi, gabar ahaantaaye, 💫 Intarneedka waan kugu arkaa, ayaamahaygaane, 💫 Asxaabtayda Faysbuuga waan, kugu ogsoonaaye, 💫 Duriyada Awoow-Aadan iyo, walaal Islaamkiiya, 💫 Soomaalida inaad ila tahaan, kuu arkahayaaye , 💫 An is barano maantaba isfahan , uunku wada gaarye , Abwaan : Axmad -heersa re

Run iyo Riyo (Dream)

Image
💫 Haasaawe orod iyo, 💫 Tartan la isu sharad tamay, 💫 Start-kiisa hore iyo, 💫 Afjarkiisa raganimo, 💫 Iyadoon la filanayn, 💫 Aqyaar wada atoora ah, 💫 Maxaan aayar dhaafoo, 💫 Guusha laygu aaminay, 💫 Irdihii shukaansiga, 💫 Inta aan la aqal galin, 💫 Eegmada jacaylkiyo, 💫 Erayada macaan iyo, 💫 Cirka sare uqaadkiyo, 💫 Romantic idilkii, 💫 Anigoo awoodaan, 💫 Alla ka cabsigaygiyo, 💫 Uga joogay diintee, 💫 Miyaad ii ogsoon tahay, 💫 Asluubta iyo sharaftiyo, 💫 Ehelkaaga xididkiyo, 💫 Aaba iyo hooyiyo, 💫 Abti iyo walaal iyo, 💫 Adeer iyo ayeeyiyo, 💫 Eedo iyo habaryaro, 💫 Awoowiyo dhamaantood, 💫 Intay iga mudnaayeen, 💫 Maxaan wada ogsoonoo, 💫 Inya...

Geeraar Romantic ah!

*Sharafeey dhanbaal sare,,, *Lagu dheehay xiisoo,,, *Dhadhankiisu wacan yahay,,, *Dheemaneey bal iga hoo,,,  *Sidi ubax dhallaanoo,,, *Ku dhashay barwaaqoo,,, *Ka da'ayso dhadadoo,,, *Wada fidiyay dhagahee,,, *Dhaldhalaalayaa tahay,,, *Dhugashada kalgacalka leh,,, *Dhabankaaga quruxda leh,,, *Indhahaaga dheeha leh,,, *Dhexdaada iyo laafyaha,,, *An lahayn wax dheeliya,,, *Markaad soo dhaqaaqdee,,, *Hadba dhinac u liicdaa,,, *Qalbigu ila dhaqaaqaa,,, *Dheeman saafiyaa tahay,,, *Luulkii la dhoofshee,,, *Qol mugdiya la dhigayee,,, *Ka dhex baxahayaa tahay,,, *Aloow yaa ku dhawrtoo,,, *Dhibka kaa ilaashoo,,, *Dhibcihii xalaashiyo,,, *Dhaqan kula wadaagoo,,, *Dhexdaada isku duuboo,,, *Horaadaha dhexdoodiyo,,, *Kaa shumiyo dhabanada,,, *Indhahaa ku dhowrtoo,,, *Qalbigaa ku dhe...

Geeraarro jacayl (goos goos)

Image
FG: Xiddigta dhexe waxay kala soocaysaa meerisyada anan isla socon. 🌷 sidii mira tufaax iyo, 🌷 canabka iyo saytuun, 🌷 ama malab si saafiya, 🌷 loo miiray heersare, 🌷 dhadhanka u sarreeyiyo, 🌷 bilicdaad u sidataa, 🌠 Alloow yaa dalxiis iyo,, Kula maro damaashaad,, Kula raaco doon iyo,, Markab aan daboolnayn,, Ama diyaarad sare iyo,, Kula maro daruuraha,, Laangaruusal dadanoo,, Muraayada dallacan iyo,, Kugu daadihiyo Faras,, 🌠 * Inanyahay wax badan baan aqaan, buug ka daabacaye, * Bilicdaada way wacantahoo, baatir baa tahaye, * Hayska beel darayn baan ku iri, bagaad shalaayayne, 🌠 * anunbaa walwalayoo, * wehelkaygi tabayoo, * labadaydi waaxood, * midood la walbahaaree, * ruuxii wax garadaa, * wax qarsoon dareemee, * garaacii wadnaha iyo, * warwarkii qabiga yaa, * waraysiga ka qaadoo, * wacantaan u xiisiyo, * wariyaha usii diro, * dadka hala wadaagee, 🌠 🌠Mcnka erayadaadaa, 🌠Maankayga dhex qaadoo, 🌠Ku milmay jidhkaygoo, 🌠Sidi malabki weeyee, 🌠Mc hadaan...

Lama daaho ruux fikir bay dawakhay

Image
🌷 Inaan daacad iyo, 🌷 Isu nahay dabiib, 🌷 Dabinadii horaan, 🌷 Diiwaaninee, 🌷 Dalxiis aan mariyo, 🌷 Kama bogan damaashaad, 🌷 Diricdii ka maqan tahay, 🌷 Difaacii jidhkiyoo, 🌷 Ma daawoobin unugyadii, 🌷 Naftu waa daciif, 🌷 Qalbiguna ka daran, 🌷 Lama daaho ruux, 🌷 Fikir bay dawakhay, 🌷 Da'yartii an caashaqay, 🌷 Ubax dillaacay iyo, 🌷 U ekayd daruuraha, 🌷 Dookhaa raacayoo, 🌷 Diiday naftii, 🌷 Dumarkii kalee, 🌷 Dayax soo iftiimoo, 🌷 Daciifiyay xidigihiyo, 🌷 Shamso duhurki joogtiyo, 🌷 Macan dahab la moodyeey, 🌷 Damiirkaagi aaway, 🌷 Dumarka aad la dheerayd, 🌷 Dahniga kama baxayside, 🌷 Farxadaada dunidiyo, 🌷 Damacaaga iska wado, 🌷 Aniguna daraadaa, 🌷 Ha iqaado doonidu, 🌷 Markab aan dagayn iyo, 🌷 Baxar daa'imaan galay, 🌷 Adna maygu daysoo, 🌷 Igu daawanaysaa ?! (A. Heersare )

Ha buux dhaafo jacaylka ad u hayso bashiirka

🌷Ha buux dhaafo jacaylka🌷 💓 Rasuulku waa baraheeni, 💓 Inaan naar ka badbaadno, 💓 Baxareeyay Naftiisoo, 💓 Dhiigiisa babaaxshoo, 💓 Buuralayda u jiiroo, 💓 Baadariinta u laayiyo, 💓 Kuwa beeniyay diintee, 💓 Ha buuxdhaafo jacaylka, 💓 Ad u hayso bashiirka, 💓 Marna waa bini aadam, 💓 Bashar weeye wanaagsane, 💓 Boqor wayne xaqiisiyo, 💓 Ha u bootin cibaado, 💓 Hana baylihin tiisoo, 💓 Ha buuxdhaafo jacaylka, 💓 Ad u hayso bashiirka, 💓 Hadii aad u basaastoo, 💓 Beerkiyo wadnahaagu, 💓 U bukootay xabiibka, 💓 Bishaarayso miciisaad, 💓 Berritoole ahaanoo, 💓 Adigaa ku bulaaliye, 💓 Ha buuxdhaafo jacaylka, 💓 Ad u hayso bashiirka, 💓 Badiyoo saligiisa, 💓 ...