Posts

Showing posts from 2017

Dayax Kaahay | Gabay [daabacaaddii 2aad]

Image
🌠 Dayax leylki soo kaahiyoo, uunka wada deeqay,  🌠 Khalkigaa ku diirsada mar ay, damag ahaayeene, 🌠 Cirka oon dahaarnayn shamsada, duhurki soo gaadhay, 🌠 Xiddig lama daydayo tooshna waan, cidi  dareemayne,  🌠 Dab la shiday xilliga roobku da'ay, diiri dhaxantiiye,  🌠 Deeleyda maansada rag baa, door kasoo galaye,  🌠 Dowrkaygi weeyee bal aan, idin durduursiiyo,                     *  *  * 🌠 Deeqda Eebe waa laga hadlaa, mahad daraadeede,  🌠 Marka hore dantaydaan sifayn, daahirkaan ahaye,  🌠 Marka xigana diintaan ka oran, hadal da'aad wayne,  🌠 Marka xiga dalkeenaan qisoon, waayuhuu dumaye,  🌠 Marka xiga waxaan duri kuwuu, gaalku soo diraye,  🌠 Marka xigana deelqaafeyaal, baan u digayaaye,  🌠 Marka xiga daliillaan ka bixin, doorka waanada'e 🌠 Marka xigana debin aakhirkiyo, ducadi weeyaane,                    ...