Dayax Kaahay | Gabay [daabacaaddii 2aad]

🌠 Dayax leylki soo kaahiyoo, uunka wada deeqay, 

🌠 Khalkigaa ku diirsada mar ay, damag ahaayeene,

🌠 Cirka oon dahaarnayn shamsada, duhurki soo gaadhay,

🌠 Xiddig lama daydayo tooshna waan, cidi  dareemayne, 

🌠 Dab la shiday xilliga roobku da'ay, diiri dhaxantiiye, 

🌠 Deeleyda maansada rag baa, door kasoo galaye, 

🌠 Dowrkaygi weeyee bal aan, idin durduursiiyo, 


                   *  *  *


🌠 Deeqda Eebe waa laga hadlaa, mahad daraadeede, 

🌠 Marka hore dantaydaan sifayn, daahirkaan ahaye, 

🌠 Marka xigana diintaan ka oran, hadal da'aad wayne, 

🌠 Marka xiga dalkeenaan qisoon, waayuhuu dumaye, 

🌠 Marka xiga waxaan duri kuwuu, gaalku soo diraye, 

🌠 Marka xigana deelqaafeyaal, baan u digayaaye, 

🌠 Marka xiga daliillaan ka bixin, doorka waanada'e

🌠 Marka xigana debin aakhirkiyo, ducadi weeyaane, 


                   *  *  *


🌠 Inkastoo dambiyo layga galo, dulanka qaarkiisa,

🌠 Ma illaawo diintiyo xaqii, Daa'im ii furaye,

🌠 Dabcigii Rasuulkana ma gabo, darajo waynaaye, (scw)

🌠 Ma daneeyo hadalada dadban e, diintu la collowdo,

🌠 Ma dugsado dambiilaha xantiyo, beenta daa'imaye,

🌠 Sunnadana nin daayacay ma rabo, darajadiisiiye, 


                   *  *  *


🌠 Inkastoon damiir leeyahay oon, ficilo daynaynin,

🌠 Samir iyo dulqaad waan hantaa, debinno dhaadheere,

🌠 Farxad baan dabiib uga dhigaa, ruux i duudsiyaye,

🌠 Ha yeeshee ninkii igu digtaa, waan u digayaaye,

🌠 Kii dareemi waayana dib buu, uga shalaayaaye, 


                   *  *  *


🌠 Diinta Eebbe waan garanayaa, kuna dadaalaaye,

🌠 Maadigana damiin kamaan ahayn, jeer an daalacaye,

🌠 Dadka laga su'aalaan ahaa, shaygi daakhilaye,

🌠 Uma daayo goortii sharciga, lagu dambaabaaye,

🌠 Intuu Eebbe ii daalacaan, marin daliilkoode,


                   *  *  *


🌠 Inkastoo nindoor waliba goor, talo ka duugowdo,

🌠 Waxaa daran inuu daa'imoo, qalad durduurtaaye,

🌠 Ma dulloobo ruuxii saxaa, dambiyadiisiiye,

🌠 Wuxuu doqonku ceeb moodayaa, inuu daweeyaaye,

🌠 Duniduna marqaatay ka noqon, shaygi daahiraye, 

🌠 Dadka towbad iyo camal-san baan, kala dadaarmaaye, 


                   *  *  *


🌠 Shay waliba daliil lagu gartiyo, daalac baa u dhigane, 

🌠 Diricyada waxaa lagu bartaa, maalin dirireede,

🌠 Deeqsigana abaar daa'imtiyo, safarka diifeede, 

🌠 Abwaanadana deelqaaf li'iyo, dirito maanseede, 

🌠 Gobonimana waa daw qalbiga, laga dareemaayee,

🌠 Is yeelyeelka kuma daa'imtiyo, jilid ku doondoone, 

🌠 Waa deeq Ilaahay baxshoon, xoog ku dararayne, 

🌠 Taajkeeda diintaa u wayn, danas la'aantiiye, 

🌠 Tilmaamaha in door ah oo lubbiga, ruux walbaba doono, 

🌠 Dul-Jalaali Rabigeeni helay, darajadiisiiye, 


                   *  *  *


🌠 Dariiqii cadaa baan aqaan, dulan la'aantiiye,

🌠 Khilaafyada dib laga keenay waa, laga digtoonaane, 

🌠 Ma difaaco dookhii nimaan, salafki doonayne, (Dariiqoodi)

🌠 Ra'yigana ma doortee naskaan, darafka haystaaye,

🌠 Taariikhda dunidaa ku bari, wixii la duugaaye,

🌠 Darsiyadii horeetaad ka garan, kii dulminayaaye,

🌠 Shaygi soo darriyo waad aqoon, goor la daabacaye,


                   *  *  *


🌠 Nin waliba dantiisuu hadlaa, dowga arartiiye, 

🌠 Taydu waa duruus laga aflaxoo, Daahir ii furaye, 

🌠 Durdur aan go'ayn iyo culuum, dahaba weeyaane,

🌠 Doc markaan ka awd maago qayb, baa dabool furan'e,


                   *  *  *


🌠 Dabinkaan an joogniyo ilaa, duudki Nabi Aadam,

🌠 Ibliis baa dagaal nagula jiro, oo na dagayaaye, 

🌠 Inuu nagu daruu doonayaa, dariska naareede, 

🌠 Dabinnuu inoo qoolayaa, lagu dambaabaaye, 

🌠 Dusmo waliba wuu dhigahayaa, iyo dariiqiiye, 

🌠 Isagaa dullooboo kibroo, dagay naftiisiiye, 

🌠 Rabbigii dab ka abuuray buu, diiday amarkiiye, 

🌠 Daciif weeye dhagartiisu oo, waa daliil sugan'e, 

🌠 Bal ha laga digtoonaado waa, daallin kula yaale, 


                   *  *  *


🌠 Shayaadiintu waa duul indhuhu, dar u haleelayn'e, 

🌠 Duulal bayse noo soo diraan, adan dareemayne, 

🌠 Dumar iyo rag baa jira kamidah, damalladiisiiye

🌠 Diimihiyo firqada waa halkuu, doodda galiyaaye, 

🌠 Debinkaanna waa sii bateen, laguna duuflaalye, 


                   *  *  *


🌠 Kitaabkiyo sunnadu waa daliil, lagu dawoobaaye, 

🌠 Fahankii dadkii horena waa, lagu dabbaaqaaye, 

🌠 Tafaasiirta ugu doorran waa, salafki duubnaaye, 

🌠 Rasuulkaa dardaarmoo ka tagay, dhaxal la doontaaye, 

🌠 Waxyaabaha dib laga keeni buu, nooga sii digaye,

🌠 Dalaal iyo cadaab inay yihiin, ugu danbaysiiye, 

🌠 Dariiqaa san buu nooga tagay, dili cad weeyaane, 

🌠 Ku deeqtooma naga badan hadaan, muran la doonayn'e, 


                   *  *  *


🌠 Si kastoy dadaal iyo Baqluhu daa'imaan orodka,

🌠 Si kastoo amaan lagu daldalo, loona dallacsiiyo,

🌠 Bandhigyada hadii lagu daree, daawasho loo keeno,

🌠 Fardahaa daf iyo miriq ku mari, goor uu digiflayne,

🌠 Kala doorran sunnadiyo quraaf, loo durbaan tumay'e, 


                   *  *  *


🌠 Sunniyiintu waa duul Ilaah, siiyay door wacane,

🌠 Bidcadii la doodaba mar qura, bay dardarayaane, 

🌠 Daliilkay abbaaraan ra'yina, waa ka digayaane, 

🌠 Qawlku Eebbe noo soo dajiyay, dood ma galiyaane, 

🌠 Ninki kaalin sare doonayoow, diintu waa sanad'e, 


                   *  *  *


🌠 Daanta kale dalkeenaan wixii, loogu dow galay dheh, 

🌠 Dumarkiyo raggaa siman sharciga, oga dulboodkii dheh, 

🌠 Wadaadihi ka doodoo la dilay, hadur u dayntii dheh, 


🌠 Inkastoo digtaatoorinimo, lagu dacaayeeyo, 

🌠 Dadka badi siday qirahayaan, lagana soo duubo,  

🌠 Wuxu ahaa waddani aan dalkiyo, gadan dadkiisiiye,

🌠 Diidistii Siyaad inuu ka dego, darajadiisii dheh,


                   *  *  *


🌠 Dal mucaarad waa laga helaa, dunida guudkeede, 

🌠 Doonistoodu waa in ay kursiga, dowr ka taliyaane,

🌠 Oo ay dantii Qaranka iyo shacabka, doonaan e

🌠 Dulligii qabiilkiyo wixii, loo durbaan tumay dheh, 

🌠 Dabadeed xasuuqii dadkiyo, dil iyo boobkii dheh, 


                   *  *  *


🌠 Dib markaan usoo kaban lahayn, iyo dadaalkeenni, 

🌠 Barfasoorro laga dilay qabkii, diinta iyo haybka, 

🌠 Dimuqraadig lagusoo qunfulay, dalabki shaydaanka, 

🌠 Caqligiina lagasoo diloo, lumay damiirkoodi, 

🌠 Ayuu cadowgu noo soo diroo, nagu dabreeyaaye, 

🌠 Dugsiyada Islaamkee cilmiga, lagu daraaseeyo, 

🌠 Waa kuwa intay daba mareen, maaddi doorbiday'e, 

🌠 Waa kuwa hablihi wada dadnaa, daaha tuur yiriye, 

🌠 Waa kuwa dambigi qoomuLuud, dib u cusboonayne, 

🌠 Waa kuwa shisheeyaha u diray, dahab qarsoonaaye, 

🌠 Waa kuwa dalkeenii gatoo, diiday dhaqankiiye, 

🌠 Waa kuwa dugaag weheshadoo, dilay walaalkoode, 

🌠 Waa kuwa sidii ruux la duray, gabay damiirkiiye, 

🌠 Waa qoon dambaaboo kaliya, xulaya diinaar'e, 

🌠 Waxay dunida baashaalayaan, ama dalxiisaanba, 

🌠 Waxay maamul Eebahay ka digay, daardar galiyaanba,

🌠 Dib bay uga shalaayi oo wallee, waan ka digayaaye, 

🌠 Hadii waayo loo daayo waa, loo dibdhigayaaye, 

🌠 Rabbigii dunida noo goglaa, soo dajiyay nuure, 

🌠 Dukumdaakum buu noqon ninkii, diida xugunkiiye, 


                   *  *  *


🌠 Gaalada dullowdee makriga, nagu dabiibaysa,

🌠 Xubbigoodu waa diin la'aan, lagu dambaabaaye, 

🌠 Dabadhilifyadiyo caamaday, deeq ku hodayaane, 

🌠 Jadwallada galbeed lagu degshiyo, daris walaalaynta, 

🌠 Qaar baan dareemayn sunta ay, noogu darayaane, 

🌠 Wadaadaha u doodaaya waa, sidi dugaaggiiye,

🌠 Diintii Ilaahay bar baa, doolar dhaafsadaye,

🌠 Jihaadkuna daf maahee waxyigi, baa kusoo dagaye, 

🌠 Ninki duudsiyiyo kii ku daray, dulanba waa meel'e, 

🌠 Ninka doorawaynow kufriga, jecel dastuurkiisa, 

🌠 Kitaabkiina daayacay intuu, diiday xugunkiisa, 

🌠 Dadka ruux cilmi leh wuu ogaan, daalimnimadiiye,

🌠 Inaan dunida lagu waarahayn, doqoni yaa u sheega,


                   *  *  *


🌠 Kufri diir cad baan yuu ku dagin, uga digtoonayne, 

🌠 Carabtaan dugaashaday haday, dabinno ii qooli, 

🌠 Kuwii nala dadka ahaa haday, cadow la soo duuli

🌠 Dadoow yaa la aamini naflaha, waan ka didayaaye, 


                   *  *  *


🌠 Dawga kale haddaan meeriyoo, deelka ka higaadsho, 

🌠 Deelqaafeyaal baa jira iyo, duulal howl gabaye, 

🌠 An dareersho maansadu mar bay, ila durkaysaaye, 

🌠 Anigoo dabreeyaa misana, lagu dakaamaaye, 


                   *  *  *


🌠 Murtidaa in lagu daaho mudan, lana dareemaaye, 

🌠 Dadka qaar ayaan garan karayn, dulucda xeel dheere,

🌠 Ruux ay xigmadi daashataa, loo dib dhigayaaye, 

🌠 Ha ku deeqdo waa daacad oo, waad ku diirsaniye, 


                   *  *  *


🌠 Dad Islaam ahoow musuqu waa, idinku deelqaaf'e, 

🌠 Munkarrada adoo damin karoo, faafin kara diinta, 

🌠 Caalim duub lahoow aamus waa, kuu damiir xumo,e


                   *  *  *


🌠 Dumarkaad masuulka u tahay oo, lagu dul'qooqaayo, 

🌠 Ama cawradoodii dadkale, kaba dahaaraynin, 

🌠 Ninka daawanaayoowna waa, kuu dayuusnimo'e


                   *  *  *


🌠 Ninka maalku waa deeq Allee, dajin karaa qoyska, 

🌠 Duruuf kalena aanay dabrayn, loogu cudurdaaro,

🌠 Darmaan gabarna aan waayin iyo, dahab gayaankii ah, 

🌠 Oo guurka diidoowna waa, kuu dabbaalnimo e,


                   *  *  *


🌠 Qoon abaartu soo dubatay oo, duunyo ka idlaysay, 

🌠 Oo dalagyadiyo beerihiyo, dumisay maalkoodi,  

🌠 Alle-bari intay daa'imeen, goor la wada daatay,  

🌠 Markuu roobku wada da'ay dhulkoo, daadku wada gaaray, 

🌠 Mahaddii kuwii duudsiyoow, waa duf iyo ceeb e, 


                   *  *  *


🌠 Ragu waa masuul loo dogtaa, dirirta hiilkii'e, 

🌠 Dumarkuna haday jirin guryuhu, daal ma bi'iyeen'e, 

🌠 Ha yeeshee haduu kaa dambayn, wiilna waa damag'e, 

🌠 Gablan bay dadkuna kuu aqoon, dabar go'aayaaye, 

🌠 Kuligoodna waa darajo iyo, deeqda Eebahaye, 

🌠 Ninka gabadha days moodayoow, duulal baan helin e, 


                   *  *  *


🌠 Dawga xigana waa waano iyo, caaqil danihii e, 

🌠 Adigoo daloollaha dhegtiyo, dumayo maankaaga, 

🌠 Bal ku diirso maansadu marbay, kuu daliil noqone, 


                   *  *  *


🌠 Adoo hadal ku daawayn kariyo, caro-daboolkaada, 

🌠 Daf ku dhihidda gacanqaadka waa, lagu daciifaaye, 

🌠 Duqaydiyo indheer garadka waa, laga dambeeyaaye, 

🌠 Dawdar lama noqdee talada waa, lagu dadaalaaye, 


                   *  *  *


🌠 Duruufuhu marbay kaa bataan, door kastoo tahaye, 

🌠 Dayro lama calaacalo hadaad, dib u go'aysaaye, 

🌠 Haduu mowdku kugusoo degdegin, doogsi baa xigiye, 

🌠 Yaysan ceebo diiwaanka gala, daqarro kuu gaysan,

🌠 U dulqaado waayaha adaan, dib u shallaayayn e


                   *  *  *


🌠 Haduu duunyo iyo maal Ilaah, ubad ku deeqsiiyo, 

🌠 Dadka looma faaniyo kuwa aan, doorna laga siine, 

🌠 Danyartiyo agoontaa hantida, lagu daryeelaaye, 

🌠 Danta guudna waa lagu baxshaa, darajo weeyaane, 


                   *  *  *


🌠 Nin xil deegta loo saaray eed, looga daba geeye, 

🌠 Ma hungowdo daacad e hadii, madax laguu doorto, 

🌠 Digtaatoorinimadiyo ka dhowr, danaha kuu gaar ah, 

🌠 Musuqmaasuq yaan lagugu dayin, waa dulliyo ceeb'e, 

🌠 Daa'im Eebbe-waynana adeec, diintu waa sharaf e, 


                   *  *  *


🌠 Docda kale hadaan fiirineen, dunida qiimayno, 

🌠 Daadihino taariikhda iyo, saban dawaafkeedi

🌠 Qoraallada dib ugu laabanoo, diiradaha saarno, 

🌠 Daruuraha raggii joogay baa, hoos u daadumay e, 

🌠 Dowladihii Islaamkuu ku tuman, doorawaynuhu e,

🌠 Waalidiinti baa lagu digtoo, loo dabcinahayn'e, 

🌠 Diricyadi murtida laga dhaxlaa, lagu dacaayeyne, 

🌠 Daallacuuryadii baa xukumi, door aqoon badane, 

🌠 Daallimiinti baa sheekh daldali, anan dambaabayne,

🌠 Damiin bay nindoor kaaga dhigi, doollar soo shubay e,

🌠 Dumarbay imaamnimo rag qaar, uga dambeeyaane, 

🌠 Mahdigii inuu daahiroo, calanka loo daayo, 

🌠 Dajaal-cawar inuu soo baxiyo, Ciise dili doona, (c.s)

🌠 Cadceeddoo galbeed laga dayiyo, Daabbadiyo Qiiqa,

🌠 Dabka yaman kasoo oogmi iyo saqafyo soo daadan

🌠 Buunka oo daryaamaa ka haray, duni gaddoonkii e, 


                   *  *  *


🌠 Inagoo cimrigu noo durkoo, darajo sii dheefnay, 

🌠 Sharaf dunida kalasii tagniyo, camal na deeqaaya, 

🌠 Raxmadaada nagu diirshay oo, kuu digrino qowlka, 

🌠 Allahayoow intaan nala dullayn, nagu dil towxiidka, 

🌠 Dabadeed su'aal li'i Firdows, nagu dul ceegaagi, 

🌠 Deriskii Rasuulkana nayeel, deeqsi baa tahaye, (s.c.w)


                   *  *  *

By: Axmed Aadan Dheel (Abwaan Heersare) 
May. 2 - 2017

Comments

Popular posts from this blog

Gabay amaan Gabar | Abwaan Heersare Dheel (Axmed Heersare)

Adaan sugin gaddoonkii - Faarax Xuseen Sharmaarke (gabay)

Maanso Jacay ah (Faa'iso-Fiyoore)