Gabay amaan Gabar | Abwaan Heersare Dheel (Axmed Heersare)
* Gabadhaan habeyn seexadkii, diiday sababkeeda,
* Gabadhaan sadkii uga go'ee, siiyay fikirkaygi,
* Gabadhaan saqdii dhexe cidlada, socod u guureeyay, ,
* Gabdhii jacayl saami badan, igu salaamaysay,
* Ceeshkina ka soontee wadnuhu, si u garaacaayay,
* Waa ina suldaan hooyadeed, laysku soo sigaye,
* Sarajoogsigeediyo xibnaha, siman itaalkeeda,
* Hablahay la socotaba indhuhu, kuma sifaadaane,
* Hablahay la socotaba indhuhu, kuma sifaadaane,
* Siduu dayax xiddigo uga sitay, uga sarreysaaye,
* Niqaabkaa ka soo daran markay, sare u qaaddaaye
* Saanqaadka laafyaha markay, laydha soconayso,
* Caraf baa ku saamayn udgoon, miski sidiisiiye,
* Waxaa laygu saaqaa markaan, sahal u eegaaye,
* Caraf baa ku saamayn udgoon, miski sidiisiiye,
* Waxaa laygu saaqaa markaan, sahal u eegaaye,
* Jiriricada saantana dhammaan, xaaddu way i socone
* Mana suuxo laabtana cishqigu, waa i solayaaye,
* Yaa siman la gaardiya markay, gacanta sayrayso,
* Mana suuxo laabtana cishqigu, waa i solayaaye,
* Yaa siman la gaardiya markay, gacanta sayrayso,
* Simaneey suleekhoy tufaax, miraha saytuunka,
* Saarsaarka canabkee ubuxu, saaqay lagu moodye,
* Saarsaarka canabkee ubuxu, saaqay lagu moodye,
* Saxansaxada roobkee ka timid, sagal daruureedka,
* Malab saafi iyo miid ah oo, soo da'aa tahaye,
* Malab saafi iyo miid ah oo, soo da'aa tahaye,
* Saymo qaansaroobaad ku xiran, samada baarkeeda,
* Daa'uuska baalaha sidkay oo, seexshay lagu moodye,
* Daa'uuska baalaha sidkay oo, seexshay lagu moodye,
* Quruxdaada saamiga leh ee, lagu sarqaamaayo,
* Dumar tan u saraysee xubnaha, loo saxaa tahay,
* Dumar tan u saraysee xubnaha, loo saxaa tahay,
– Abwaan: Heersare Dheel
Gabay qiimaha leh mahadsanidiin
ReplyDeleteAdaa mudan walal sare soo dhawoow
DeleteAdaa mudan walal sare soo dhawoow
DeleteWww masha allah
ReplyDeleteShukran walal
DeleteShukran walal
DeleteShukran walal
DeleteMasha Allah soo dhawaada walaalayaal Mahadsanidiim
ReplyDeleteMasha Allah guulayiso
ReplyDeletegabay aad ufiican weyeh
ReplyDeletewaa gabay maskax wacn kasoo maxday
ReplyDeleteGabay cajiib ah masha allah
ReplyDeleteWw m.a
ReplyDeleteGabay aad iyo aad umacaan
ReplyDeleteM a9
ReplyDelete