Sawirkaaga ii dhiib (Geeraar haasaawe)

Simaneey walal sharaf,
Sahal maaha damacuye,
Waa sida biyaha oo,
Adigoo socdaal dheer,
Soo maray dhul buurale,
Saadna aanan wadan iyo,
Oonkoo ku saaqiyo,
Saxansaxada roobkoo,
Sanka aad la raacdoo,
Xareediina soo dhicin,
Sugitaanku kugu adag,

Aniguna sidaasaan,
Simaney ku suganoo,
Sawirkaaga oo qura,
Saami baan ku bixin laha,

Simaneey walal sharaf,
Tilmaantaada sugan iyo,
Qoraalkaada suubani,
Saafi baan u helayoo,
Sumcad baad ku leedahay,
Simaneey agtaydee,
Waa hadal an sugayoo,
Saaka igula wacanoo,
Aanan kuu sarbeebine,
Sawirkaaga ii dhiib,
Sidii ubax an daawado,
Marna aan si sharafliyo,
U xafido si qaaliya,
Walaal suuban baa tahay,
Marna ruux i saaqoo,
Soo jiitay damacoo,
Rabitaanka sare iyo,
Farxad lagu sidkaa tahay,

Saacadaha nasoo xigo,
Shardi adoonan igu simin,
Nimcooy waan ku sugayaa

By: Ahmed Dhell (Ahmed Aden Dheel)

Comments

Popular posts from this blog

Gabay amaan Gabar | Abwaan Heersare Dheel (Axmed Heersare)

Adaan sugin gaddoonkii - Faarax Xuseen Sharmaarke (gabay)

Maanso Jacay ah (Faa'iso-Fiyoore)