Dhalinyar xusid mudan
Waxaa loo tiriyay asxaabtayda ehelka ah oo door wayn ka qaatay sharfidda iyo soo dhawaynta.
Waxa kamid ah:
Cabdi Khaliif (Ugaaska),
Aadan C/Samad, iyo
Cabdirisaaq Kalli.
Geesiyaasha caanka ah tolkay, gabanadoodii dheh,
Geerida kuwaan kala jeclayn, guluf colaadeed dheh,
Kuwaan gaajadiyo oonku karin, geedi socodkii dheh,
Hadaan waayo kala gaabinoo, galabki soo booqdo,
Gogol sharaf ayay ii fidshaan, igu gashiimaane,
Gudcurkii markay tahay hadaan, dib u gadoon maago,
Kuwa guure igu gaynayeen, daal goconahayn dheh,
Gayigooda waa lagu yaqaan, geenyadii dumare,
Damaacigu haduu iga galeen, gabal dhac soo aado,
Waxaan talo gorfayniyo xasuus, galayo suugaanta,
Gayrada markay soo dhacdeen, diro gamaantaydi,
Waxay ii go'aanshaan inay, guri i seexshaane,
Markaan laygu tala galin xishood, yaa i galayaaye,
Waa inaan u gooyaa hadaan, gudayo laykii dheh,
Hadaan howlo culus galahayaa, ama guhaadoodo,
Garabgayga weeyoo marnaba, igama goostaane,
Kuwa ila gorfeeyee talada, gacanta ii saaro,
Oo guusha ila jecel markaan, galayo howsii dheh,
By: Ahmed Aden Dheel
Comments
Post a Comment