Dardaaran
*DARDAARAN*
⭐ Dabin aakhir weeyoo,
⭐ Dunidii wareertoo,
⭐ Dulmigii siyaadyoo,
⭐ Waxaa laysku dilayaa,
⭐ Dariiqayga soo raac,
⭐ Hadaa tahay qof daacada,
⭐ Dano gaara aan wadan,
⭐ Jecel diinta Eebahay,
⭐ Xusbiyana difaacayn,
⭐ Waan kuu dardaarmiye,
⭐ Bal ku diirso waanada,
⭐ Xaqa waa la doonaa,
⭐ Diinta waa la dhowraa,
⭐ Dariiqii Rasuulkana,
⭐ Aad baa loo daneeyaa,
⭐ Daa'imkii na uumaa,
⭐ Dige nooga yeeloo,
⭐ Sharaf buu lasoo diray,
⭐ Wuxuu daaya leeyahay,
⭐ Ama nooga digayana,
⭐ Daliilkii Qur'aankiyo,
⭐ Waxyigii kusoo dagay,
⭐ Ayuu nooga daalacay,
⭐ Wax kaloo la doonoo,
⭐ Daliil dhaba an loo hayn,
⭐ Shaki iyo dunuub iyo,
⭐ Dood kama dhamaadaan...
⭐ Diinteennu nagu filan,
⭐ Daa'im baana kaamilay,
⭐ Wixii soo darriyo iyo,
⭐ Bidacduna ka digid mudan,
⭐ Waajibkii laguu diray,
⭐ Sunnadii la daba dhigay,
⭐ Adigoo dayacayoo,
⭐ Dadaalkoodi gaasiray,
⭐ Sidee baad ku dalabtaa,
⭐ Daraja aan lasoo warin,
⭐ Bidcadana ku doontaa,
⭐ Rasuulkaaba diidoo,
⭐ Digniin wayn ka bixiyoo,
⭐ Dalaal iyo cadaab iyo,
⭐ Dullinimo ku sheegee...
⭐ Diinteennu nagu filan,
⭐ Daa'im baana kaamilay,
⭐ Wixii soo darriyo iyo,
⭐ Bidacduna ka digid mudan,
⭐ Yaan laguu dardaar warin,
⭐ Adigoo nin daacada,
⭐ Daalim baa tah lagu oran,
⭐ Diinteenu waa sanad,
⭐ Haday dood timaadana,
⭐ Saxiix baa daruuri ah,
⭐ Yaan laguu durbaan tumin,
⭐ Dastuur qolo u yaaliyo,
⭐ Dariiq sunnadi baal maray,
⭐ Yaan dahab laguu marin...
⭐ Diinteennu nagu filan,
⭐ Daa'im baana kaamilay,
⭐ Wixii soo darriyo iyo,
⭐ Bidacduna ka digid mudan,
⭐ Hadaa diido shaygaan,
⭐ Diinteenna wacan iyo,
⭐ Laga duubin Salafkii,
⭐ Dambi maadan galinoo,
⭐ Faral maadan duudsiyin...
⭐ Diinteennu nagu filan,
⭐ Daa'im baana kaamilay,
⭐ Wixii soo darriyo iyo,
⭐ Bidacduna ka digid mudan,
⭐ Ku dadaal wanaagiyo,
⭐ Faralkii laguu diray,
⭐ Sunadana ha daayicin,
⭐ Dadka khayrka kula dhaqan,
⭐ Dabcigii Rasuulkiyo, (scw),
⭐ Dulqaadkana xusuusnow...
⭐ Diinteennu nagu filan,
⭐ Daa'im baana kaamilay,
⭐ Wixii soo darriyo iyo,
⭐ Bidacduna ka digid mudan,
(share) Fadlan u sii dir intaad awoodo walaalaha Muslimiinta ah.
Mahadsanid.
{©Ahmed.Dheel}
Comments
Post a Comment