Ismaaciil Dhifli
Gabaygaan waxaan u tiriyay wadaad xeroow ah oo inta teleefoon igu soo wacay aayado qur'aan ah iyo axaadiis ku bilowday hadalkiisa isagoo u cuskanayo in uu aniga igu caayo isla markaana mowdicoodii ka leexiyay.
Wuxuu ahaa nin jecel in uu cambaareeyo cidii aan dhariiqo diimeedkiisa taabacsanayn sidoo kalena cod kasoo duubo si qayaano ah iyaga oo aan diyaarsanayn intuu wicitaan ku weeraro.
Ma ahayn markii ugu horeysay, ee hortay dadka uu sidaa ugu xadgudbay waxaa kamid ahaa adeerkiisa oo uu si xun u qayaanay codkiisana ka duubay ogolaansho la'aan. Wuxuuna kalsooni iyo amaan uga helay arintaas xertiisa ay isku dariiqada ahaayeen.
Waxaa cajiib ah in gaalada intooda badan xitaa ay ka xishoodaan in fasax la'aan qof la duubto maqalkiisa ama muuqaalkiisa oo waa ay ka codsadaan inta aysan ka duubanin.
Hadaba qof muslim ah soo ceeb wayn kuma aha qiyaanada noocan oo kale ah, misane culumonimo sheeganayo!
Hadaladuu iila yimid ee an kafiirsiga lahayn waxaa kamid ahaa in uu igu soo eedeeyay in aan culumo caayay cajaladana ku duubay Risaalo an qorayna wuxuu sheegay in aan cay ku qoray.
Waxaan hadalka ugu soo gaabshay in uu soo cadeeyo meesha an wax ku caayay si fool ka fool ahna uu ii hor yimaado mase dhicin oo awalba cod inuu iga duubto unbuu rabay sidaan ku tuhmayay wayna u ekoonaatay oo halkii ayuu ku burburay barnaamijkiisii.
Aniga oo arrinkaa ku cabbirayo merrisyo gabay ah ayaan iri:
⭐ Dhifliyoow hadaad caalim tahay, ku caqliyay looxa,
⭐ Aayadaha laguma caytamoo, caaqab waw halise,
⭐ Cadamada Ilaah bay tusiyo, camallo dheeraade,
⭐ Naseexadu cambaarayn miyaa, waan cajabayaaye,
⭐ Culimada ma caayiyo ninkii, caynka ii dhigaye,
⭐ Casuumaad ayay mudan yihiin, laga cukeeyaaye,
⭐ Caasinimadu waa shay cindiga, cudur u keenaaye,
⭐ Cilladiisa waa laga gartaa, ruux ku caan baxaye,
⭐ Amuuraha maxaa loo cagsiyay, waan cajabayaaye,
⭐ Qof waliba codkiisa isagaa, loo cismanayaaye,
⭐ Gaaladuba inay ceeb la tahay, way codsanayaane,
⭐ Islaamkuna cambaar buu ku dhigay, cafis la'aantiiye,
⭐ Nin adeerki caayoo ka xaday, caynki hadalkiisa,
⭐ Oo ciyaalka loo daarayoo, lagu cawaynaayo,
⭐ Sidee ii canaantaa aniga, waan cajabayaaye,
⭐ Sheekh Casaakir Ibnu CabdilBar iyo, Cusmaanu Saabuuni,
⭐ Cabdulqaadir Casqalaani iyo, callaamyadii diinta,
⭐ Naqligooda caanka ah anoo, wada cadaynaayo,
⭐ Caqliyaad Jahmeed lama rabee, soo cuskaday diinka,
⭐ Oo sifaadka cayntiyo yadiyo, culuwigii sheegay,
⭐ Caadil Eebe waynana nasahay, Caziizka deeqtoone,
⭐ Ruux aan cadliba doonahayn, casabo mooyaane,
⭐ Sidee ii cileeyaa aniga, waan cajabayaaye,
By: Ahmed Aden Dheel (Heersare)
Comments
Post a Comment