Jiifto haasaawe

⭐ Simaneey is fahankiyo,
⭐ Aqli iyo wax garadnimo,
⭐ Soo dhawayn tan ugu wacan,
⭐ Adigaa abaal marin,
⭐ Ku mutaystay amin qura,

⭐ Sidi ubaxa geedaha,
⭐ Ayaamaha barwaaqada,
⭐ ilayskii cadceedoo,
⭐ Kulayl aanan lagu arag,
⭐ Neecowda uduga leh,
⭐ Amin roobku noo da'ay,
⭐ Shimbiraha amaantiyo,
⭐ Heesaha is dhaafsaday,
⭐ illimaha xareediyo,
⭐ Arladuna cagaarkii,
⭐ Hirka agabka doogiyo,
⭐ Nimca lagu ildoogsado,
⭐ Nuxurkii ku idilyahay,

⭐ Allow yaa dalxiis wacan,
⭐ Kula maro aduunkoo,
⭐ Maraakiib ammaanliyo,
⭐ Geenyo aad la fuushaa,
⭐ Hadba erayo qaaliya,
⭐ Eegmada kalgacalka leh,
⭐ Asluub kula wadaagoo,
⭐ Aragaaga daawado,

By: Ahmed Aden Dheel

Comments

Popular posts from this blog

Gabay amaan Gabar | Abwaan Heersare Dheel (Axmed Heersare)

Adaan sugin gaddoonkii - Faarax Xuseen Sharmaarke (gabay)

Maanso Jacay ah (Faa'iso-Fiyoore)