Sifaadka Eebe weyne S.W.T
🌠 Samadaan inoo muuqatee, nalagu saanqaafay,
🌠 Haduu oonku nagu saaqo roob, nalaka siinaayo,
🌠 Ee la suray siraajkiyo dayaxa, xidigahaa suuban,
🌠 Arladaan sariirta ah hadana, sina an diidaynin,
🌠 Beerahaan jannada lagu sugana, lagu samaynaayo,
🌠 Ee lagu socdee lagu sukuno, saraha baacdheer le,
🌠 Ilaahii na siiyee nafaha, simay dhamaantooda,
🌠 Shay walbana sameeyee mar qura, soo xashrini doono,
🌠 Samad weeye Rabigeenu waa, Sayidka deeqtoone,
🌠 Si kastoo awood lagu sidkoo, lagu dul seeteeyo,
🌠 Ama xeelad sare loo maroo, lagu siyaaseeyo,
🌠 Socon mayso hawshii gaftaa, wayne suu dhigaye,
🌠 Amuuruhu siduu doonayay, sahal ahaadaane,
🌠 Samad weeye Rabigeenu waa, Sayidka deeqtoone,
🌠 Maqalkiisu waa saafi aan, jabaqi seegayne,
🌠 Quraanjada saqdii dhexe mugdiga, sallaxa luudayso,
🌠 Saamaheeda Axadkii maqlee, siiyay hadafkeeda,
🌠 Samad weeye Rabigeenu waa, Sayidka deeqtoone,
🌠 Carshiguu ka saramaray Raxmaan, iyo samaawaade,
🌠 Aayadaha sabcay gaarayaan, saa u dhigayaaye,
🌠 Safirkooda ugu mudan "Calaa", lagu saxiix yeelye,
🌠 Waa siduu Bukhaarigu ka sugay, salafki toosnaaye,
🌠 Anna kama siyaadsheen haday, sidee yiraahaane,
🌠 Saxaabadi Rasuulkaba aqbale, mana su'aalayne,
🌠 Sidiisay ku qaadanahayeen, saadir khabarkiiye,
🌠 Samad weeye Rabigeenu waa, Sayidka deeqtoone,
🌠 Si walbeen ku suganniyo wixii, galay suduurkeena,
🌠 Sirtayada midkii naga og iyo, waxan sarbeebayno,
🌠 Samad weeye Rabigeenu waa, Sayidka deeqtoone,
🌠 Subuxaadka wajigiisu suu, sugay Xabiibkeenu,
🌠 Xujub nuurka saafiya hadaan, laga sokaysiinin,
🌠 Makhluuqoo dhan buu soli lahaa, saacad mirirkeede,
🌠 Sadrigaadu yuu kuu sawirin, siiro iyo beene,
🌠 Haw samaynin qaab iyo waxaan, suura galahaynin,
🌠 Suubanaha warkiisana ha rogin, saana ku hogaansan,
🌠 Samad weeye Rabigeenu waa, Sayidka deeqtoone,
🌠 Sifaadkii nuzuulkiyo yadiyo, kuwa kaloo suuban,
🌠 Makhluuqana an lagu soo simayn, waa la sugayaaye,
🌠 Sarfin mayno kitaabkiyo sunnada, subanow Nabiye,
🌠 Inti laga saxiixyeelay waan, samac adeecnaaye,
🌠 Samad weeye Rabigeenu waa, Sayidka deeqtoone,
🌠 Waddan iyo Suwaac iyo kuwii, saalixyada tuugay,
🌠 Sanamyada kuwii magan galee, sawirrada haystay,
🌠 Ee sarfiyay cibaadadi Ilaah, seege furihiiye,
🌠 Saciq iyo asoo galin karaa, suuxdin iyo geeri,
🌠 Ayuu sixadi iyo dheefsigii, qaar u saamaxaye,
🌠 Sabuur weeye deeqsiya hadana, meel ku sugayaaye,
🌠 Samad weeye Rabigeenu waa, Sayidka deeqtoone,
🌠 Towxiidkiyo salaadiyo sakada, xajka iyo soonka,
🌠 Faralkiyo Sunada labada daar, lagu sacaadaayo,
🌠 Rabiyoow inoo sahal adaa, lagu su'aashaaye,
...*some text missing*
By: Ahmed Aden Dheel
Comments
Post a Comment