Jeey Afdhuko (by Ahmed Dheel)
* Wawga gabayga wegenkii fardaha, orodka waalaayo,
* Niyugleerka kaaraha is waro, waramo duulaayo,
* Tolka weerar kuma waabsadee, waan u wariyaaye,
* Anigoon is waalaynin baan, waano galiyaaye,
* Waxtarka iyo garasha dadnimo, ehel wanaagayga,
* Wacdigiyo waciidkii Rabigay, wadar adeecayga,
* Waa nicmada Ilaah igu waxdoo, waa ku mahadshaaye,
* Qaar buu widaaygoodu yahay, koox dan wadataaye,
* Nin wareersanoon rabin daliil, waligi mooyaane,
* Muslimiintu waa ii walaal, wacad Ilaaheeye,
* Xaajada wareertiyo hadaan, galayo waanwaanta,
* Uma eexdo kaan waa bartiyo, wiilka hooyadaye,
* Ikhlaas baa ku wacan shay waliba, waan ogsoonahaye,
* Jahligaa wareer badan hadaad, waysar garanayne,
* Waddadii Rasuulkiyo cilmiga, warathadii diinta,
* Waadiyada aqoontaan maqaam, wayn ku leeyahaye,
* Qur'aankiyo Xadiistaan wadaa, layrka waasacaye,
* Tejnikoolkaa waayahan u badan, maaddi wararkiiye,
* Waayga Faayga weerrada softiga, haadhka laga waabto,
* Waanka Maanka iyo Waalankaan, wada aqaanaaye,
* Cilladii wareer dhaliso soow, la'ima waydiiyo,
* Dadka qaar ninkii weheshadoo, daaro wacan geeyo,
* Mimbarkuu ku wayneeyay bay, kala wareegaane,
* Wanaag baan la doonaa qofkii, jeer wax ii galaye,
* Nasabkiyo kolay tahay waxqabad, dhaqan wadaagooda,
* Dadka qaar waxaa lagu xantaa, waahinimadoode,
* Dayax caadka laga weeciyiyo, waadix baan ahaye,
* Waaxid baan jeclayn faanka badan, iyo is waynayne,
* Walad kugu qaldoomoon ogayn, sharaf wanaagaaga,
* Waa la is baraa ruux inkiray, waaxda aad tahaye,
* Gamaantuu tolkaa kugu waxaday, woodna kugu siiyay,
* Iyaduna an kaa wayraxayn, wadis hogaankaaga,
* Wiil la dhalay haduu kaa xasdoo, jaraha waydaarsho,
* Misna uu waraabaha u dago, soo wacdaro maaha,
* Adoo furunta weerarahayoo, guusha wadi maagay,
* Wehelkaaga khaaska ah haduu, waranka kuu taago,
* Oo dhabarka kaa wiiqo soo, een wacdara maaha,
* Intaa waa tusaalooyin iyo, ararti waayeele,
* Wax waliba maqsuus baa ku wacan, laga waraabshaaye,
* Waa inaan cadaynaa guntiyo, weedha hadafkeene,
* Waligay xumaan kama war gurin, waana mahadshaaye,
* Walaalkay dhalyoow Jeey markuu, talada waydaartay,
* Wax xusuusi anigoo leh baa, wawga lay furaye,
* Inuu waansamaan sii jeclaa, waayihii horaye,
* Markaan waayay garashadi wacnayd, een warjirinaayay,
* Tabti nala wacnaataan marniyo, Wayne suu qoraye,
* Aduun waa wareegtee haduu, garab i waydiito,
* Waajibkayga waan gudan aqaan, waafinimadiiye,
* Wansiix kama waraabsheen fireesh, aniga oon waayin,
* Waxba uma qaboo waan hubaa, ina walaalkeeye,
* Haatan wuu ogyahay inaan u ahay, wehel adeerkiiye,
* Allahayow wanaag yeel asiyo, wadar Islaamkoodhan,
By: Ahmed Aden Dheel
Comments
Post a Comment