Adaan sugin gaddoonkii - Faarax Xuseen Sharmaarke (gabay)

Gabaygaan waxaa tiriyay Abwaan Faarax Xuseen Sharmaarke AUN asaga oo u jawaabaya Guuleed Jucfe Samatar AUN kadib markii uu Guuleed tiriyay gabay uu ku maagay Dheel iyo qaar kamid ah walaalihiis ilma Sharmaarke Cilmi. 

Waxa la sheegaa Guuleed inuu ahaa Abwaan kibiraani ah oo dadku ay ka baqi jireen maadaama qofkii si qurux badan u marxabayn waaya uu gabay ku maagi jiray. Guuleed ayaa amin galab ah usoo martiyay Dheel Sharmaarke oo gees ka deggan qoysas badan oo ilma Sharmaarke ah. Gogol ayaa loo dhigay. Goortii uu fadhiistay ayaa waxaa yimid qaylo sheegaysa in xoolihii reerka aysan gacan ku jirin oo lala'yahay meeshay jaan iyo cirib dhigeen ilaa saakay. Ma baadi bay u maqan yihiin ma la dhacay mise bahal baa galay oo waxay u qaybsameen wax la cunay iyo wax kala fiigay, lama yaqaanno. 
Dheel si halhaleel ah ayuu u istaagay wuxuuna yiri Guuleed soo dhawoow ciddu waa ciddaadi dadna waa joogaan anigu xoolihii baan goobistooda u kici.
Guuleed wuxu u arkay inuusan mudnayn in laga aado xoolo lumay dabadeedna waxba kama uunan dambeyn markii uu Dheel baxay oo isaguna wuu iska dhaqaaqay wuxuuna ku hoyday Afballaar nin la yiraahdo oo ay Dheel ima adeer yihiin maalintii xigtayna gabay ayuu soo tiriyay uu ku maagayo Dheel iyo walaalihiis. 
Gabaygaan hoos ku xusan ayaa loogu jawaabay:

Guuleed rag waa isugu go'aa gedaha qaarkoode
Tolna waa ku kala gaabsadaa, xaajo godobeede
Gugaa maaha goor aad anfaco, gabay ka tooxdaaye
Gobanimo ka dheeraa ninkii, goobay dhuuniga e
Diihaal waxaa lagu gudbaa, garasho iimaan e
Goyn maysid calafkaan Ilaah, goor fog kuu qorine
Sal fudayd ninkuu galo wax badan, yuu gudbinayaaye

Ma gablamo Warsame waa ninkii, gacanta waynaaye
Gamaastiisa waa laga dhergaa, wabarki gaabnaaye
Dheel baa garowshiyo yaqaan, gacan rag taagaaye
Ganuun buuxa iyo gool la qalo, garawo dhaydeeda
Asagaa guntiisa ugu roon xeeryo geeda leh e
Guudka reer Sharmaarkaa ka siman, garasho waayeele
Ninkii gaga se waa nimaan wax garan, amay godboobeene
Ama dhalasho guudkeeda sare, gaarrideed rabine

Godkii nuur Sharmaarkaa aftahan, ugu gu' waynaaye
Gurboodkuu u loox jiidi jiray, goor horaa tahaye
Gedahaad na leedahayna waa, gacal xumaantiise

Ganbarkii laguu dhigay adaan sugin gaddoonkiiye
Galabtiina guri reer Cilmaad gees ka wabaxdeene
Gaajaba adoon qabin maxaad, godobta noo taaran
                   – Faarax Xuseen Sharmaarke 

Comments

Popular posts from this blog

Gabay amaan Gabar | Abwaan Heersare Dheel (Axmed Heersare)

Maanso Jacay ah (Faa'iso-Fiyoore)