Abwaan Heersare (Asal baan u leenahay murtida)
Maalin maalmaha kamida ayaa waxan soo booqday reer aanu qaraabo ahayn. Gabadhii reerka marwadiisa ahayd oo maqli jirtay Axmad Aadan Dheel ayaa gabyo ayaa waxay igu tiri: "Walalow gabayga aderkaa Abwaan Faarax Xuseen Sharmaarke miyaad ka keentay!".
Kadib anigoo muujinayo in gabayga an u leeyahay abtir iyo asal ayaa waxan iri:
🔆 Asal baan u leenahay murtida, idil ahaanteene,
🔆 Awowgay labaad waa abwaan, aaqiloo sare'e,
🔆 Sayidkaa inuu ahaa u qiray, aafa samawaade,
🔆 Dheel inuu akhyaar iyo ahaa, deeqsi la amaano,
🔆 Adeer Faarax baa gabay murti leh, kuu aqrinayaaye,
🔆 Aabahayna waa ridan yaqaan, erayo waawayne,
🔆 Anigana Abwaan-Heersare y, igu ismaayaane,
🔆 Asluubtiyo aqoontay arkeen, igu amaaneene,
🔆 Axmad Aadan Dheel baan ahoo, aabi ma aqaane,
🔆 Afar iyo tobnaad baan ahiyo, dayax ilayskiiye,
🔆 Allaa mahad leh aayaha dambana, aaqillaa jiriye,
🔆 Iinshaa Allaahuye ducada, wuu aqbalayaaye,
Masha Allah Abwaan heersare, sxb waad ka baxsatay baan ku iri gabadha sidaa umay fahansanayn kolley Sharmaarke Cilmi Xaryan maxay ka yaqaanaan dadkan asagoo oday ah buuba yimid Gedo markuu lahaa: "Gabowgaygiyo Gedaa kulmay"
ReplyDeleteGabayadiisi Sayidkii iyo Daraawiish ayaa laga waraysan lahaa! iyaguna tage.
Aad iyo aad walal waad asiibtay mahadsanid, soo dhawoow
ReplyDeleteAad iyo aad walal waad asiibtay mahadsanid, soo dhawoow
ReplyDelete