Dawac moode Aar qoyay!
* Dadka ruuxi kuu jecel
* Isagoo daloolaha
* Oraahdaada dalabta leh
* Degdeg kaaga sixi kara
* Hadalkii ad doontiyo
* Waxaad daa tiraahaba
* Isagoonan diidayn
* Markuu dabacsanaadoo
* Da'da aad ku sugantiyo
* Dajintaada eegoo
* Xurmadaada door bido
* Sidi inuu damiin yahay
* Looma daba istaagoo
* Dookha lagama qaadee
* Waa inaad dareentaa
* Darajaduu mutaystiyo
* Garashadiisa doorka ah
* Dadka lama ikraahee
* Ruuxii dantiisiyo
* Caafimaadka dahabka ah
* Shaygii u daran iyo
* Danihiisa garan kara
* Duco iyo salaan iyo
* Waano diirran mooyee
* Sharcigaaba diidaye
* Looma diro jawaasiis
* Dawac moode Aar qoyay
* Kuwaan garan dugaaggee
* Ruux kaa damiir kulul
* Dano xeeriskiisiyo
* Yay ku dagin ayaamaha
* Dulqaadkiisu badan yahay
* Shabeel daaman wayn oo
* Dadka loo carbiyay iyo
* Mas-good deegta kuu suran
* Marna lama daciifsado
* Caashaqu dareen iyo
* Rabitaanka dookhiyo
* Daacad noqosho weeyee
* Dagaal iyo canaan iyo
* Eedaha is daba yaal
* Dawadiisa maahee
* Digashada ka dheerow
* Maansadan daliil iyo
* Sheeko daahan weeyee
* Duuduub u qaadoo
* Danta loo maldahayaa
* Adigoonan daahirin
* Dulucdeeda ila garo
©️ May 11, 2020 – Axmed Heersare
Comments
Post a Comment