Maxaan ku ilaawi waayay
√ - Ku beer laxawso kan Hadii lagugu adkeeyay.
* Maxaan aragaaga raadshoo..
* Anoo ugu xiisay saa'id...
* Intaan aqalkiina booqday...
* Maxaan adigana ku waayay...
* Adoo naxariis ku dheehan...
* Maxaan indhahaaga nuurka leh...
* Inaad igu eegto doonay...
* Sidii ubax Beer kuyaaloo...
* Ku baxay sana aaran rooboo...
* Ilayska aroornimiyo...
* Iftiino la dhigay hortayda...
* Maxaan eegmadaada wacan...
* Indhaha kaa leexin waayay...
* Anoo aragaaga waayay...
* Qalbigu i abaarsadoo...
* Oraahdaadana u xiisay...
* Kulaylaha aadka iyo...
* Howshayaydi intaan ilaaway...
* Maxaan orod soo taxaabay...
* Anoo kuusoo ordoo...
* Harraad iyo daal i helay...
* Intay aragaaga wacan...
* Indhahaygu ku doogsadeen...
* Anoo oonkii kalgacalkiyo...
* Tacaabadi wali i daynin...
* Amaba aan la ii ogayn...
* Maxan aamuskii la laabtoo...
* Qalbigu hoos ii ilmeeyay...
* Erayada ugu toosan iyo...
* Maxaan ubaxyada jacayl...
* In badan kuusoo diyaarshoo...
* Anoon wali kuu hibeynin...
* Afeeftaadii horiyo...
* Adkaynti intaan xusuustay...
* Maxaan aamuskii la laabtay...
* Maxaan isku dayay in badan...
* Naftaada inaan ilaawoo...
* Dareenka is moogsiyoo...
* Istoorki xusuusta iyo...
* Albaabadi soo xirtoo...
* Wadnuhu iga diidayoo...
* Ileen ma awoodayee...
* Maxaan ku ilaawi waayay...
By: Ahmed Dhell (Ahmed Aden Dheel)
Comments
Post a Comment