Xawral cayn

🌷Markay ku arkaan indhuhu,
🌷Eegmada kaama weeciyaan,

🌷Afkuna erayada kalgacal,
🌷Waxan ahayn kuma ortee,

🌷Oraahdaaday dhaguhu,
🌷U xiisaan had iyo jeer,

🌷Intaad iga maqantuhuu,
🌷Qalbigu i ilmaynayaa,

🌷Oonkaa iga bixi lahaa,
🌷Hadaan aqal kula galee,

🌷Hadaad ubad ii dhashana,
🌷Nimcaan ku ildoogsan laa,

🌷Aduun waa ayaan quroo,
🌷Eebbaa loo laabaniye,

🌷Allow yaad aakhirana,
🌷U noqotaa xawralcayn,

By: Ahmed Dhell (Ahmed Aden Dheel)

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Gabay amaan Gabar | Abwaan Heersare Dheel (Axmed Heersare)

Adaan sugin gaddoonkii - Faarax Xuseen Sharmaarke (gabay)

Maanso Jacay ah (Faa'iso-Fiyoore)