Cafwan sodoh
Walaalkaa da' kaa wayni waa, daraja waayeele,
Canaantiisu waa daacadnimo, jecel dantaadiiye,
Dariiq toosan buu kula rabaa, inaad ku duushaaye,
Farxad buu markaad daa'imtana, kugu daweeyaaye,
Shisheeyahaa kusii dilo hadaad, jeer u dagataaye,
Bini Aadam waa wada daciif, diinka lagu sheegye,
Caalimkuba asoon dacatin buu, yara ilduufaaye,
Dadka ugu dhow baa saxo haday, garan daliilkiiye,
Akhlaaqdaydu waa dahab hadaan, lays dafirahaye,
Layskuma digtee samafalkaa, lagu dadaalaaye,
Sagoonsiisku diiwaanka xeer, laguma diidayne,
Dagdagsiinyo waan maaganaa, iyo dadaalkeede,
Dhalin dabin iswaydaa taqaan, sheeko daah badane,
Dib u dhaca waxaa keenayaa, doogta xiisahaye,
Dayaxuba marbuu kugu dhacaa, adoon dareemayne,
Sodoh inamo door wacan dhashoo, diirran baa tahaye,
Dulmi kuguma ogi iyo inaad, dabin maleegtaaye,
Dadka kuwaan u jecelaa tahoo, anan darraabayne,
Sharaftaadu waa ii danoo, waaban difaacaaye,
Dulqaad muuji iyo daacadnimo, dawlad baa tahaye,
By: Ahmed Aden Dheel (Ahmed Dhell)
Comments
Post a Comment