Dhaga hadal rag kuma samo (By: Ahmed Dheel)
* Hadaan qalinka maansada dhigeen, dhaafo curinteeda,
* Orgi dhaana bay ila hor mari, koley dhigeeyeene,
* Hadii dhidirka Aar lagu fasiro, dhiigu waykiciye,
* An iraahdo dhowr eray murtiyi, dhaxal gal weeyaane,
* Sarbeebaha wax laga dheehdo waa, dheeman iyo luule,
* Ruuxii dhalaalshaa xigmado, wayn ka dhaliyaaye,
* Dhagahadal rag kuma samo markii, lagu dhibaayaaye,
* Xanta waa ku kala dhimanayaa, aan dhab loo furine,
* Raganimada layskama dhacee, dhalasho weeyaane,
* Dhihidiyo kuraajada kuwaan, dhab u abaaraynin,
* Dhabarkay ka nuunaasayaan, sidi dhalaankiiye,
* Waxba haw dhagdhigin dhaqan bulshiyo, dhuuxa may garane,
* Dhalyo waa balaayee qofaad, dhaxan u diidayso,
* Oo xiriirintiisii dhul badan, dhagax u jiirayso,
* Adoo dhididka kaa baxay dharkii, kugu dhacaamaayo,
* Haduu kugu dhaweeyaa xumaan, qoomamaa dhiciye,
* Firaqdiyo dhariiqooyinkii, dhaafe tiradiiye,
* Dheeraad ninkii soo dariyay, dhaayahaa qabane,
* Dhab iskuma kalsoonee markii, laga dhaqaaqaayo,
* Dhaqaalaa la igu dhaafay buu, qoon ka dhaadhicine,
* Dharka culimo ruuxii watiyo, dhuuqsashada duubka,
* Dhaqankiyo suluugii wacnaa, dhaxal intaad maagtay,
* Haduu cay dad kuu dhaamiyoo, dhagaha kaa buuxsho,
* Dhariiqii inuu seegay baad, dhab u ogaataaye,
* Hadaan qalinka maansada dhigeen, dhaafo curinteeda,
* Orgi dhaana bay ila hor mari, koley dhigeeyeene,
* Hadii dhidirka Aar lagu fasiro, dhiigu way kiciye,
* Bilaa laysla dhaqayoo khilaaf, lagaba dheeraayay,
By: Ahmed Aden Dheel
M.a horay usaco
ReplyDelete