Posts

Showing posts from September, 2018

Kala dihaal (Maanso cusub)

❇ Damaacigu mar buu iga galaa, inaan dalxiisaaye,  ❇ Degelada barwaaqada mar baan, doc u mushaaxaaye,  ❇ Ubaxyada intaan daawadaan, dunida meeraaye,                    ❇ ❇ Xiriirkooda dumar waa dawiyo, dalabka maankay'e,  ❇ Inaan daayo waa shay dihniga, iga dilaayaaye,  ❇ Haasaawe Deeqiyo marbaan, barasho doonaaye,                    ❇ ❇ Duxda hadalka daymada macaan, dabacsanaantooda,  ❇ Dun xariira maan lagu dajiyo, laguna daahayoo,  ❇ Daraadoodna loo dilo naflaha, diriro weeyaane,                    ❇ ❇ Dadkoo idil haweenkaa dhaloo, daliil cad weeyaane,  ❇ Naxariista lagu duugay baa, nagu dumaysaaye,  ❇ Dahab weeye loo baahanyoo, dunida nuurshaaye,                    ❇ ❇ Diyaarado inaan duuliyoo, dafiyo baabuurta,...