Kala dihaal (Maanso cusub)

❇ Damaacigu mar buu iga galaa, inaan dalxiisaaye, 

❇ Degelada barwaaqada mar baan, doc u mushaaxaaye, 

❇ Ubaxyada intaan daawadaan, dunida meeraaye, 

                  ❇

❇ Xiriirkooda dumar waa dawiyo, dalabka maankay'e, 

❇ Inaan daayo waa shay dihniga, iga dilaayaaye, 

❇ Haasaawe Deeqiyo marbaan, barasho doonaaye, 

                  ❇

❇ Duxda hadalka daymada macaan, dabacsanaantooda, 

❇ Dun xariira maan lagu dajiyo, laguna daahayoo, 

❇ Daraadoodna loo dilo naflaha, diriro weeyaane, 

                  ❇

❇ Dadkoo idil haweenkaa dhaloo, daliil cad weeyaane, 

❇ Naxariista lagu duugay baa, nagu dumaysaaye, 

❇ Dahab weeye loo baahanyoo, dunida nuurshaaye, 

                  ❇

❇ Diyaarado inaan duuliyoo, dafiyo baabuurta, 

❇ Ama Doonta laashka'a ku maro, badaha duudkooda, 

❇ Ama Faraska daadihiyo waan, wada daneeyaaye, 

                  ❇

❇ Xikmad inaan ku daahiyo Qur'aan, sharafta diintayda, 

❇ Darsiyada xadiiskiyo cilmiga, labada daaroodba, 

❇ Diwaankayga weeyoo ma rabo, inaan dayaacaaye, 

                  ❇

❇ Dariiqii Rasuulkeeni baan, daba galaayaaye, (scw) 

❇ Duxda aan go'ayn buu qalbigu, igu dawoobaaye, 

❇ Dunuubtana Macbuudkaan baryaa, iga difaacaaye, 

                  ❇

❇ Intaa waa damaashaadki iyo, qodobbo diimeede, 

❇ Dal waa lamahuraan iyo wadani, daacad hagayaaye, 

❇ Digniin kalena waan bixinayaa, iyo duruustiiye, 

                  ❇

❇ Niyukleerka duulee qarxee, gubid sumayn doog leh, 

❇ Ayaa danabka laysugu hanjabo, ugu danaag wayne, 

❇ Siyaasadda qabow baa ka daran, laysku dagayaaye, 

                  ❇

❇ Dowladaha shisheeyuhu marbay, kugu danaystaane, 

❇ Dheeman laguma doorsado haruur, dib u dhac weeyaane, 

❇ Dad waxaad u haysana ragoow, laguma daanshoodo, 

                  ❇

❇ Gumaysiga ninbaa lagu dayaa, lagana daahaaye, 

❇ Dastuur bi'inayaa loo qoraa, lagu dabreeyaaye, 

❇ Isagoon dareemaynin bay, dalaw ka tuuraane, 

                  ❇

❇ Suugaantuba mar waa kala dihaal, wada dareeraaye, 

❇ Markaad daa tiraahabo bar baa, soo dardarayaaye, 

❇ An durduuro mowjada kaloo, dagayo Iinsaanka, 

                 ❇

❇ Caku dookha goortaan sharciga, lagu dabbaakhaynin,

❇ Caku ducada laga iilayaa, Boqorka daaweeyo, 

❇ Caku dabinno beeneed hadii, daacad lagu gaado,

                  ❇

❇ Caku diifta lagu liidayaa, diric tabaalaysan,

❇ Caku dabaqa loo dhigay afada, waalid laga dayrshay, 

❇ Caku maal danley laga dhacoo, lagu dul loogaayo, 

                  ❇

❇ Caku degel barwaaqa ah asaan, lagu dalxiisaynin, 

❇ Caku duunyo iyo maal hadaan, deeqda laga dhiibin, 

❇ Caku dahabka ruux aan aqoon, deegta laga saaray, 

                  ❇

❇ Caku dunidan aan laga helayn, dalabka maankaaga, 

❇ Caku daqar jacayloo wadnuhu, kula dillaacaayo,

❇ Caku damaca kaa galay qof aan, kuu damqanahaynin,

                  ❇

❇ Caku biyaha dahabkee ku dadan, daasaddiyo maarta, 

❇ Caku ugub darmaan ihi haduu, socod ku daalaayo,

❇ Caku daacadnimo qaa'inkuba, jago ku doonaayo, 

                  ❇

❇ Caku doollar musuqmaasuq iyo, duminta loo qaatay, 

❇ Caku xoogga lagu dilo walaal, cadowna daaraynin, 

❇ Caku dirir toleed iyo hadaan, muran la daynaynin, 

                  ❇

❇ Caku dowlad aan madax lahayn, laga dambaynaayo, 

❇ Caku dulan qabyaaladi haduu, qaranka kaa dooxo, 

❇ Caku dimuquraadiga markii, diinta laga bayro, 

                  ❇

❇ Caku  doorashada lagu alkumay, dana-shisheeyeedka, 

❇ Caku darajo ruux aan mudnayn, lagu dul heenseeyay, 

❇ Caku doqonka goortuu talada, cadowga kaa doorto, 

                  ❇

❇ Caku saaxib dunida u bandhigo, siraha kuu daahan, 

❇ Caku libinta duul kaaga xiran, kula dadaalaynin, 

❇ Caku fulay an daandaansigiyo, orodka daynaynin, 

                  ❇

❇ Caku dumarka qaarkaan xishood, laga dareemaynin, 

❇ Caku wiil da'diisii ka haray, danina seetaynin, 

❇ Caku duul ardaalla ah hadii, talada loo daayo, 

                  ❇

❇ Caku daalim qoon nabad lahaa, kala diloo dhuuman, 

❇ Caku dowdar madax adag misana, kula dul dhaafaynin, 

❇ Caku dibadda goortuu ka dago, diin nimaan baranin, 

                  ❇

❇ Caku dirito maansada haddii, deelqaf lala faylsho, 

❇ Caku diric abwaan iyo hadaan, doon la kala soocin, 

❇ Caku meel an diintiyo caqliga, laysku darajaynin, 

                  ❇

❇ Caku gabayga aan loo hal dayin, lala darrooryaayo, 

❇ Caku dalabka maansada hadaan, diinta laga dheehan, 

❇ Caku hadalka kiisa aan dantiyo, khayrka lagu daahin, 

                  ❇

❇ Intaa waa daqiiq iyo amuur, lagu il duufaaye, 

❇ Waana hawlo kala daadsanoo, laysu dumayaaye, 

❇ Inaan duco kusoo gaabiyaan, ugu dambeysiine, 

                  ❇

❇ Eebboow da'daydaydii cimrigu, wuu durkahayaaye, 

❇ Dorraad gaban yar baan soo ahaa, ubax dillaacaayo, 

❇ Maantana cishriinkii ku daray, daharyo dheeraade, 

                  ❇

❇ Rabbiyoow adaa deeq baxshoo, dalab ajiibaaye, 

❇ Adaa garan dariiqii san iyo, darajadii wayne, 

❇ Khayrka labada daarood isii, iga duw naartiina, 


                 ❇   ❇   ❇

© Axmad Aadan Dheel (Heersare)  

Comments

Popular posts from this blog

Gabay amaan Gabar | Abwaan Heersare Dheel (Axmed Heersare)

Adaan sugin gaddoonkii - Faarax Xuseen Sharmaarke (gabay)

Maanso Jacay ah (Faa'iso-Fiyoore)