Posts

Showing posts from November, 2018

Waano arday

❇ Kallahada : Dadaal Ardayahow dadaal , Dalkaagii wacnaa iyo , Dadkibaa ku sugayoo , Inaad darajo gaartoo , Naftaadana daryeeshoo , Qarankaaga dahabka ah, Door wayn ka qabataa , Lagaa doonayaayoo , Laguugu soo dadaalaye , Bal dareen u ujeedada , Ku shaqee damiirkana , Ruux ku daahay soo jeed , Inta badan dareen fudud , Kama tooso derintee , Shay darajo wayn iyo , Camal diini mooyee , Adoo door ahaan karo, Waxan ahayn dantaadiyo , Ha ku daahin madadaal , Dhafar yay ku dabamarin , Kallahada dantaada ah, Daakiraadda subaxnimo , Dagdag horay usoo bood , Direeskaaga qaadoo , Diritee hanaankoo , Agabkaaga duuboo , Dugsiyada u qalab xiro, Daahdaah ma fiicnee, Talaabada dafleeyoo, Ha dambaynin waligaa, ...