Waano arday
❇ Kallahada:
Dadaal Ardayahow dadaal,
Dalkaagii wacnaa iyo,
Dadkibaa ku sugayoo,
Inaad darajo gaartoo,
Naftaadana daryeeshoo,
Qarankaaga dahabka ah,
Door wayn ka qabataa,
Lagaa doonayaayoo,
Laguugu soo dadaalaye,
Bal dareen u ujeedada,
Ku shaqee damiirkana,
Ruux ku daahay soo jeed,
Inta badan dareen fudud,
Kama tooso derintee,
Shay darajo wayn iyo,
Camal diini mooyee,
Adoo door ahaan karo,
Waxan ahayn dantaadiyo,
Ha ku daahin madadaal,
Dhafar yay ku dabamarin,
Kallahada dantaada ah,
Daakiraadda subaxnimo,
Dagdag horay usoo bood,
Direeskaaga qaadoo,
Diritee hanaankoo,
Agabkaaga duuboo,
Dugsiyada u qalab xiro,
Daahdaah ma fiicnee,
Talaabada dafleeyoo,
Ha dambaynin waligaa,
Days lama ahaadee,
❇ Ka dhex muuqashada fasalka:
Damanaantu waa shay,
Daciifiyo shaqsiyadee,
Xilliyada duruustana,
Digtoonaan ku dheehnow,
Shaygaa dareentaa,
Inuu kaa daboolmoo,
Fahankiisu kaa dagin,
Barahaaga dahabka ah,
Daganaan u waydii,
Inuu kaa daweeyaa,
❇ Aqrinta casharrada & Ka shaqaynta layliyada:
Debinadii lasoo maray,
Darsiyadii laguu dhigay,
Dib u eegistoodiyo,
Aqriskooda daadihi,
Layligii laguu diro,
Waligaa ha daayicin,
❇ Dadaal guud:
Si kastood daflayntiyo,
Fahan diirran u lahayd,
Mar haduu dadaalkii,
Ka dambeeyay jiif badan,
Ducfi baa yimaadee,
Damiin yaanan lagu oran,
Wax waliba dulqaadkiyo,
Waqtigaa dallacayoo,
Dagdag laguma gaaree,
Durbadiba ha niya jabin,
❇Gabagabada waanada:
Labadaada daarood,
Daliil loo baxsado iyo,
Dayax nuurki weeyee,
Sharcigana ha daba marin,
Diin la'aan ma fiicnee,
Dadaalkii Rasuulkiyo,
Karti dahaba weeyee,
Sunnadana ha dabar goyn,
Danta waalidkaagiyo,
Naftaadaa ku duugane,
Dowdar lama ahaadee,
Taladana ha daayicin,
Darsi macalin qoray iyo,
Khibrad dabacsan weeyee,
Door sare ka gaaroo,
Ha dafirin aqoortana,
Abwaan jecel dantaadiyo,
Walaal kuu damqanayiyo,
Heersaraa diyaarshaye,
Ha ku deeqdo waanadu,
Ahmed Aden Dheel (Heersare)
Masha allah wll allaha kuxafido
ReplyDeletem.a abwaaneH wx bdaN kaa faidneY reallY ilaaH hku dhowroH
ReplyDeleteAamiin walal dhamaanteen..
Deletemahadsanid
Masha Allah alle haku xifdiyo adun iyo aqiro wll
ReplyDeleteSodoo kle alla ku xafido
ReplyDeletewww m.a alaha ku xafido abwaan
ReplyDeleteM.a waan la dhacy
ReplyDeleteNoo soo badi
ReplyDeleteM...a afkaaga cana lagu qabby
ReplyDeletemaasha llaah allaha ku dhowra wll
Delete