Maanso Jacay ah (Faa'iso-Fiyoore)
▪ Faa'isaay waxaa tahay, ▪ Fariidadii hablood iyo, ▪ Fool ku qurux wanaag iyo, ▪ Ubax iyo fiyooree, ▪ Eegmadaada faraxa leh, ▪ Ruuxii ku fiirshaba, ▪ Qalbigaa u faaxoo, ▪ Waa lagu fahmaystaa, ▪ Ala maxaan fariidaay, ▪ Intaan sheeko kuu furin, ▪ Bal inaanan fududaan, ▪ Qaabka wacan u fiirsado, ▪ Qalbigaygu ii faray, ▪ Oo dareenku igu fiday, ▪ Ala maxaan fariidaay, ▪ La fikiray dartaayoo, ▪ Ka fogaaday ceeshkoo, ▪ Sidi ruux la falanfalay, ▪ Fiidkii wareegoo, ▪ Barxadaha fariistoo, ▪ Maansooyin fara badan, ▪ Farriin kuugu soo diray, ▪ Ala maxaan fariidaay, ▪ Fiyaalaha magaaliyo, ▪ Faynuusta layrkiyo, ▪ Ka fogaaday uunkoo, ▪ Shimbiraha firxanayiyo, ▪ Intaan Fiinta wehehshaday, ▪ Geedo hoos fariistoo, ▪ Farahayga ciidaha, ▪ "Faa'iis" ku qorayoo, ▪ Sida wehel u fiirsaday, ▪ Ala maxaa fariidaay, ▪ Wabiyada fataha iyo, ▪ Hirka ba...