Maanso Jacay ah (Faa'iso-Fiyoore)


▪ Faa'isaay waxaa tahay, 
▪ Fariidadii hablood iyo,
▪ Fool ku qurux wanaag iyo, 
▪ Ubax iyo fiyooree, 

▪ Eegmadaada faraxa leh, 

▪ Ruuxii ku fiirshaba, 
▪ Qalbigaa u faaxoo, 
▪ Waa lagu fahmaystaa, 

▪ Ala maxaan fariidaay, 

▪ Intaan sheeko kuu furin,
▪ Bal inaanan fududaan,
▪ Qaabka wacan u fiirsado,
▪ Qalbigaygu ii faray,
▪ Oo dareenku igu fiday,

▪ Ala maxaan fariidaay, 

▪ La fikiray dartaayoo,
▪ Ka fogaaday ceeshkoo, 
▪ Sidi ruux la falanfalay, 
▪ Fiidkii wareegoo, 
▪ Barxadaha fariistoo,
▪ Maansooyin fara badan, 
▪ Farriin kuugu soo diray, 

▪ Ala maxaan fariidaay,

▪ Fiyaalaha magaaliyo,
▪ Faynuusta layrkiyo, 
▪ Ka fogaaday uunkoo, 
▪ Shimbiraha firxanayiyo, 
▪ Intaan Fiinta wehehshaday,
▪ Geedo hoos fariistoo, 
▪ Farahayga ciidaha,
▪ "Faa'iis" ku qorayoo, 
▪ Sida wehel u fiirsaday, 

▪ Ala maxaa fariidaay, 

▪ Wabiyada fataha iyo,
▪ Hirka badaha faaxiyo, 
▪ Foolkaano iyo holac, 
▪ Filsaney daraadaa, 
▪ Laabtayda lagu furay, 

▪ Ala maxaan fariidaay, 

▪ Markii aan is fahanee,  
▪ Noo fariistay caashaqu, 
▪ Farxadiyo kalgacalkii,
▪ Farqi wayn inuu jiro,
▪ Laygu taagay farahoo, 
▪ Dadku ila fajacayeen,

▪ Ala maxaan fariidaay, 

▪ Fiira dheer aduunyada, 
▪ Riyo lagu fogaadiyo, 
▪ Faalsooyin qorayoo, 
▪ Faamil kula yagleeloo, 
▪ Faraskiyo gamaantiyo,
▪ Diyaaradaha fuulnoo,
▪ Caasimaadki fiicnaa, 
▪ Fillo beer ku taaliyo,
▪ Qasriyaalna kuu furay,
▪ Mimbar lagu fariistiyo, 
▪ Taajkii Firdows iyo,
▪ Fadhiyaalna kuu dhigay, 
▪ Oo fiyoore kuu suray,

▪ Qaddarkaa fal galayoo,

▪ Calaf lama figeeyee, 
▪ Sida filimadii Ruush, 
▪ Ayuu falag wareegoo, 
▪ Sidaan filayay may noqon, 

▪ Inkastoonan fududaan, 

▪ Dunuubtana ka fiicnahay, 
▪ Markaad iga fogaatay,
▪ Faa'isaay waxaan maray, 
▪ Ma faahfaahin karayoo, 
▪ Hadalkaa fogaaniye, 
▪ Fiyoorihii jacaylkaay,
▪ Farxad iigu noolow,

©️ A. Heersare

Comments

Popular posts from this blog

Gabay amaan Gabar | Abwaan Heersare Dheel (Axmed Heersare)

Adaan sugin gaddoonkii - Faarax Xuseen Sharmaarke (gabay)