Alif ka ya' Gabaygi Abwaan Faarax Xuseen Sharmaarke Alle ha u naxariistee uu tiriyay mar la waydiiyay in uu tirin karo gabay ku dhisan alifbeetada carabiga isagoo an u fikirin ilsa markaas. Wuu ajiibay. *Alif ❇️ Alif waxaan ka iri Eebeheen, axadun weeyaane, ❇️ Asaaggii ma jiro Xaamkimkii, uunka foofsadaye, ❇️ Amarkiisa mooyee ma jiro, waxaan awoodnaaye, * Ba ❇️ Ba waxaan ka iri beel aduun, baabah bay noqone, ❇️ Ban qiyaamo maantii xaqliga, laysu soo bixiyo, ❇️ Eeboow balowyaye ibliis, beeshi ha i raacin, *Ta ❇️ Ta waxaan ka iri aadanow talo ma haysaane, ❇️ Taaqtaaqda beenta ah hadii, laysu turi waayo, ❇️ Maalintaa ninkii toobad laa, Naarta tagahayne, *Tha ❇️ Tha waxaan ka iri soortu waa, saacad galinkeede, ❇️ Sanku neefle uunkoo dhan waa u, seeri Aakhiro'e ❇️ Soonkiyo Salaadiyo billaan, diinta lama seegin, ...