Alif ka ya'
Gabaygi Abwaan Faarax Xuseen Sharmaarke Alle ha u naxariistee uu tiriyay mar la waydiiyay in uu tirin karo gabay ku dhisan alifbeetada carabiga isagoo an u fikirin ilsa markaas. Wuu ajiibay.


         *Alif
❇️ Alif waxaan ka iri Eebeheen, axadun weeyaane,

❇️ Asaaggii ma jiro Xaamkimkii, uunka foofsadaye,

❇️ Amarkiisa mooyee ma jiro, waxaan awoodnaaye,

         * Ba
❇️ Ba waxaan ka iri beel aduun,  baabah bay noqone,

❇️ Ban qiyaamo maantii xaqliga, laysu soo bixiyo,

❇️ Eeboow balowyaye ibliis, beeshi ha i raacin,

         *Ta
❇️ Ta waxaan ka iri aadanow talo ma haysaane,

❇️ Taaqtaaqda beenta ah hadii, laysu turi waayo,

❇️ Maalintaa ninkii toobad laa, Naarta tagahayne,

         *Tha
❇️ Tha waxaan ka iri soortu waa, saacad galinkeede,

❇️ Sanku neefle uunkoo dhan waa u, seeri Aakhiro'e

❇️ Soonkiyo Salaadiyo billaan, diinta lama seegin,

         *Jiin
❇️ Jiin waxaan ka iri soo Jannada, loo jidmari maayo,

❇️ Jameecadi Rasuulkiyo war maan, jowhartii noqono,

❇️ Maa lala jihaadooy kufriga, jeelka lala yeeshay,

         *Xa
❇️ Xa waxaan ka iri Mowdku waa, xaq an wareerayne,

❇️ Xukun maalintuu nagu dhacoo, xawdu ina dayso,

❇️ Rabboow maalintaa nagu xoree, Xaakimnimadaa,

         *Kha
❇️ Kha waxaan ka iri aadanow, khabar an kuu sheego,

❇️ Shaydaan hadaad khaaluftaan, lama khasaareene,

❇️ Khaatumo xumaatiyo cadaab, lagama khoofeene,

         *Deel
❇️ Deel waxaan ka iri waa dambiga, loo durdurinaayo,

❇️ Diintii la seegyoo waxbaa, loo danleeyahaye,

❇️ Maxaa dooraweynoow kufriga, dacalka loo saaray,

         *Daal
❇️ Daal waxaan ka iri waa dakuur, la iska dayn waaye,

❇️ Aadane daliil lagala daal, duq iyo wiilkiiye,

❇️ Doc ha looga dhaco Naar ninkii, doono wuu heliye,

         *Ra
❇️ Ra waxaan ka iri reer aduun, raagi mahayaane,

❇️ Waxa laysku rawrabinna waa, raranka naareede,

❇️ Rabbiyoow ku tuugaye cadaab, rarana ha i seexin,

         *Za
❇️ Sa waxaan ka iri waa la mudan, surun cariiyoone,

❇️ Sakaraadka mowdka ah Rabboow, haygu saxariirin,

❇️ Eebbow su'aashii xumayd, sahal inoo moodi,

         *Siin
❇️ Siin waxaan ka iri waa sirtiyo, suurahiyo beenta,

❇️ Iyo sinada naag aan la qabin, lagu samaynaayo,

❇️ Iyo soorta boolida ahee, sahalka loo quutay,

         *Shiin
❇️ Shiin waxaan ka iri sheekadiyo, showrku waa hadure,

❇️ Shuushuuda been Aakhiraa, laga shallaayaaye, *

❇️ Waxaan diinta Shaafici ahayn, sharaf ma keenaane,

         *Saad
❇️ Saad waxaan ka iri Suubanaha, Nabi sujuudiisa,

❇️ Maa lagu sallimo gaal intii, lala suqlaynaayo,

❇️ Salawaatullaahiye Xabiib, saxane maan raacno,

         *Laad
❇️ Laad waxaan ka iri waa kufriga, wiilasha u leexday,

❇️ Aduunkii ku luufluufayoo, Eebbe waa luraye,

❇️ Waxay tiri laqbadu Aakaraan, libin ka raacayne,

         *Dh
❇️ Dha waxaan ka iri dhimasho waa, ina sugaysaaye, *

❇️ Dhabankaa naloo dhigahayaa, dhoobo iyo ciide,

❇️ Allow ii dhaweeyoo Jannada, dhinac ha ii dhaafin,

         *ďsa
❇️ Sa waxaan ka iri waa kufriga, ina salaamaaya,

❇️ Sallallaahu Nabigii inkiray, suubana ahaaye,

❇️ Eebbow safkaa haygu darin, seegyay taladiiye,

         *Cayn
❇️ Cayn waxaan ka iri caasi waa, caariq la hubaaye,

❇️ Waxaa culimadeenii na tiri, waa cadaab mudane,

❇️ Ninka ay wax caadiya la tahay, wacade ceebowye,

         *Qayn
❇️ Qayn waxaan ka iri waa qabriga, maalintaan qabanno,

❇️ Qowlkiyo taqliintiyo Rabboow, qirada hay seejin,

❇️ Dabadeedna shaydaan qurmoon, qoonki ha i raacin,

         *Fa
❇️ waxaan ka iri waa dadoow, fiiro yaridaada,

❇️ Fayoobidiyo xoogaad inaad, haysan filateene,

❇️ Mowdkii faciin laayay baan, axad ka fiigayne,

         *Qaaf
❇️ Qaaf waxaan ka iri qiil ma helin, gaal kuwuu qoraye,

❇️ Qamradii kuwii cunay Jannada, waa ka qadayaane

❇️ Qiiqii tubaakada kuwii, quutay baa ba'aye

         *Kaaf
❇️ Kaaf waxaan ka iri waa kufriga, ina kadeedaaya,

❇️ Kalaamkiyo Alloowdiyo kunkaa, loo kukinayaaye,

❇️ Kariimoow karaamada maxaa, loogu kari waayay,

         *Laam
❇️ Laam waxaan ka iri gaalo waa, ina luraysaaye,

❇️ Diintii laciiftoo sharciga, laga laleemowye,

❇️ Eebboow adaa layn karee, lumi kufaariinta,

         *Miim
❇️ Miim waxaan ka iri Mowle iyo, Maalig baa jiro'e

❇️ Wax lamida wax lagusoo maslaa, muranki waa beene,

❇️ Mowlahay mid weeyoo ma jiro, waxay murkoobaane,

❇️ Eebboow adaa mahad lahoon, kuu mingalayaaye,

❇️ Eeboow adaa magan xafida, labada meeloode,

❇️ Eebow muraadkayga sahal, Maalig baa tahaye,

❇️ Mako iyo Madiinaan rabaa, inaan u muudaaye,

❇️ Makaankii Rasuulkaan rabaa, inaan mushaaxaaye,

❇️ Eebboow adaa i marin karee, mururuf ii duuli,

         *Nuun
❇️ Nuun waxaan ka iri Mowle iyo, tuugay Nabigiiye,

❇️ Eeboow naxwada diinta iyo, naadka ha i seejin,

❇️ Dabadeed naruurada janniyo, Nabiga ha i seejin,

         *Waw
❇️ Waw waxaan ka iri Waaxidoow, waan walwalayaaye,

❇️ Shaydaan na wiifsanahayaa, waano noo qabane,

❇️ Adaan Wayninkaagiyo cuskaday, Waaxidnimadaaye

         *Ha
❇️ Ha waxaan ka iri waa la dhigay, hadal dhamaantiise,

❇️ Haasaawe kale waa waxaan, lgu hanuunayne,

❇️ Ashahaadadaa nagu haboon, inaanu haynaaye,


❇️ Haluutada hadiyo guurku waa, ina hodaayaane,

❇️ Huuraale shaydaana waa, ina hor joogaaye,

❇️ Goortuu Abkeen hiifay buu, hoogayoo ba'aye,


❇️ Isaguna higtuu noo qabaa, haranki gaabnaaye,

❇️ Hagaagiisu gubay meel xun buu, noo horkacayaaye,

❇️ Allow naga hidaayee adaan, hibada waayayne,

         *Ya
❇️ Ha yeeshee ya'daa lagu khatimi, yoolki abidkiiye,

❇️ Eebboow adaan kugu yuudoo, yaanyaw baan ahaye,

❇️ Allow yoolka khaatumada khayr, igu yaqiimayso,

                *  *  *
Qore: Axmed Aadan Dheel (Heersare)

Comments

Popular posts from this blog

Gabay amaan Gabar | Abwaan Heersare Dheel (Axmed Heersare)

Adaan sugin gaddoonkii - Faarax Xuseen Sharmaarke (gabay)

Maanso Jacay ah (Faa'iso-Fiyoore)