Posts

Showing posts from 2023

Jaamacadda Banaadir (gabay by Abwaan Axmed-Heersare)

* Gabay doora diiwaanka gala, dahab sidiisii ah * Dood cilmi leh dariiq toosan iyo, dirito suugaan ah * Daliil barax la' roob soo di'iyo, sidi daruurtii ah * Maanso diirran waa duubi jiray, dalandalkaygiiye * Dhaxalkii Darwiishkii Gedaa, igu duxaayaaye¹ * Dibnahayga goortaan furaa, laga dareemaaye * Ragga, dumarka duubkiyo martida, madaxda daahaysa * Duqaydiyo indheergarad waxaa, degelka soo buuxshay * Da'yartiyo aqoon yahan waxaa, nagu dul heeraaran * Dadweynaha kasoo qayb galee, wada dawaafaaya * Bare'yaasha daadihinayiyo, maamullada doorran * Waalid nagu dadaaliyo ardada, soo camiray deyrka * Salaan debacsan sidi doogga baxa, caraf dabaysheed leh * Dareemaha wadnaha iyo ka timid, laabta dacalkeeda * Iga hooya waa daw sharciga, noogu daabacan'e * Anoo geela daaqiisa jira, Gedo duleelkeeda * Diirhare ku nool iyo Shaway, Daawo dhinaceeda * Waatuu maanku ii diray inaan, yara dawaafaaye * Dabadeed waxan imid halkaan, waana soo degay'e * Aqoontana inaan daalacdoo, ...