Jaamacadda Banaadir (gabay by Abwaan Axmed-Heersare)
* Gabay doora diiwaanka gala, dahab sidiisii ah
* Dood cilmi leh dariiq toosan iyo, dirito suugaan ah
* Daliil barax la' roob soo di'iyo, sidi daruurtii ah
* Maanso diirran waa duubi jiray, dalandalkaygiiye
* Dhaxalkii Darwiishkii Gedaa, igu duxaayaaye¹
* Dibnahayga goortaan furaa, laga dareemaaye
* Ragga, dumarka duubkiyo martida, madaxda daahaysa
* Duqaydiyo indheergarad waxaa, degelka soo buuxshay
* Da'yartiyo aqoon yahan waxaa, nagu dul heeraaran
* Dadweynaha kasoo qayb galee, wada dawaafaaya
* Bare'yaasha daadihinayiyo, maamullada doorran
* Waalid nagu dadaaliyo ardada, soo camiray deyrka
* Salaan debacsan sidi doogga baxa, caraf dabaysheed leh
* Dareemaha wadnaha iyo ka timid, laabta dacalkeeda
* Iga hooya waa daw sharciga, noogu daabacan'e
* Anoo geela daaqiisa jira, Gedo duleelkeeda
* Diirhare ku nool iyo Shaway, Daawo dhinaceeda
* Waatuu maanku ii diray inaan, yara dawaafaaye
* Dabadeed waxan imid halkaan, waana soo degay'e
* Aqoontana inaan daalacdoo, daanta sare gaaro
* Waa waxaan ku daabacay qalbiga, dayna karahayne
* Dugsiyada culuumtee ka jira, Xamar degaankeeda
* Dhamaantood dadaal bay wadaan, maaddi iyo diine
* Ha yeeshee duruus iyo is dheer, darajo meeqaame
* Midda aan ka doortee qalbigu, doonay kaligeeda
* Jaamacada loo doogsadee, kheyrka laga doono
* Dadoow waa Banaadir'e bal aan, idin dareensiiyo
* Diiwaanada waxaa looga qoray, darafka koowaad'e
* Dalkoo aynu joogniyo dhamaan, dunida guudkeeda
* Duul kastaa aqoonsaday hadeer, dalabyadeediiye
* Dambow lama hadlee waxad ku garan, daahirnimadeeda
* Dalkeenoo burburay bay jahliga, kala dagaaleene
* Dhiigoodaa u daatoo barbaa, duugta loo dhigaye
* Cadaawuhu halkii door ah buu, dooni oo xulane
* Hadaan dib ugu laabtoo in qura, idin dareensiiyo
* Dhagar qabuhu waatuu u diray, inay duqeeyaane
* Dufcadii la beegsaday markuu, qaraxu daanneeyay²
* Aqoon yahanno diirrani markay, dubatay baaruuddu
* Adba kaama daahnayn wixii, mayd la daabulay'e
* Shuhadadii ducaan Eebahay, uga dalbaayaaye
* Kuwii dilayna way heli waxay, soo dalbanayeene
* Rabbigii dulmiga reebay baan, cidi la doodayne
* Waxba gabaygu yuu ila durkine, waan dabrahayaaye,
* Daqiiqaduhu way igu yaraan, saan daninayaaye
* Aan tilmaanta daadihiyo wali, waan dul taagnahaye
* Duruustiyo tacliintay wadaan, daardar galiyaane
* Daacadnimo garsookiyo cadliga, way ku daranyiine
* Darsiyada aqoontoo dhan bay, noogu darayaane
* Injineerro daabaca cilmiga, duubay gabigiiba
* Oo dalkiyo usoo kacay dadkoo, noo hormarin doona
* Ayay sanad kastaa dirahayaan, darajo siiyaane
* Dariiqada asluubtiyo u dheer, diin ku dhaqankiiye
* Maamulkoodu waa dahab hadaan, la is dafirahayne
* Daabaqadda sare weeye iyo, hawlkar daaci ah'e
* Hadii aan amaantiyo daldalo, faallo diristayda
* Abaalkooda kuma duubi karo, deelka maansada'e
* Ducadaan usoo miisayaa, daan'in abidkay'e
* Rabbiyoow dadaal bay wadaan, diin u weyn tahaye
* Rabiyoow dadkeenay jahliga, kala dagaalaane,
* Dan-yartiina way caawiyaan, loo darnaan jiraye
* Rabbiyoow difaac oo ka dhowr, daallin cadowgooda
* Rabbiyoow daweeyoo cisee, labada-daaroodba
* Rabbiyoow dalkeenana ka yeel, doogsi barakaysan
☆ ☆ ☆
___________________
¹Darwiishkii Gedo (Sharmaarke Cilmi Xaryan oo ahaa amaanduule Darwiish ah oo kamid ahaa ciidamadii loo yaqaanay Furmacad ee u soo meeray gobolka Gedo waana abwaankii laga dhaxlay maahmaada ah "Gaboowgayga iyo Gedaa kulmay" oo macnaheedu yahay waxaan jeclaan lahaa inaan imaado anoo sidaan ka da'yar maadaama ay Gedo ahayd meel nabad iyo barwaaqosooran isku darsatay.
²Arday ka qalinjabisay Jaamacada Banaadir ayaa qarax is miidaamis ah lagula beegsaday Hotel Shaamoow.
* Gabayga waxaa abwaanka ka dalbaday Cabdiwaaxid Maxamed Jaamac oo ay abtir ahaan wiil iyo adeeki yihiin kuna kulmaan Sharmaarke Cilmi oo awoow labaad iyo saddexaad u kala ah iyaga. Cabdiwaaxid waa arday dhigta Jaamacada Banaadir iminka aynu joogno wuxuuna gabaygan ka tirin doonaa mid kamida xafladaha Jaamacada haduu Eebe idmo
Curiye: © Abwaan Axmed'Heersare 31 January 2023 12:00pm
Comments
Post a Comment