Posts

Showing posts from June, 2018

Abwaan Heersare (Asal baan u leenahay murtida)

Maalin maalmaha kamida ayaa waxan soo booqday reer aanu qaraabo ahayn.  Gabadhii reerka marwadiisa ahayd oo maqli jirtay Axmad Aadan Dheel ayaa gabyo ayaa waxay igu tiri: "Walalow gabayga aderkaa Abwaan Faarax Xuseen Sharmaarke miyaad ka keentay!". Kadib anigoo muujinayo in gabayga an u leeyahay abtir iyo asal ayaa waxan iri: 🔆 Asal baan u leenahay murtida, idil ahaanteene, 🔆 Awowgay labaad waa abwaan, aaqiloo sare'e, 🔆 Sayidkaa inuu ahaa u qiray, aafa samawaade, 🔆 Dheel inuu akhyaar iyo ahaa, deeqsi la amaano, 🔆 Adeer Faarax baa gabay murti leh, kuu aqrinayaaye, 🔆 Aabahayna waa ridan yaqaan, erayo waawayne, 🔆 Anigana Abwaan-Heersare y, igu ismaayaane, 🔆 Asluubtiyo aqoontay arkeen, igu amaaneene, 🔆 Axmad Aadan Dheel baan ahoo, aabi ma aqaane, 🔆 Afar iyo tobnaad baan ahiyo, dayax ilayskiiye, 🔆 Allaa mahad leh aayaha dambana, aaqillaa jiriye,  🔆 Iinshaa Allaahuye ducada, wuu aqbalayaaye,

Facebook: Is barasho

Image
💫 Inanyahay aqoon kuuma lihi, gabar ahaantaaye, 💫 Intarneedka waan kugu arkaa, ayaamahaygaane, 💫 Asxaabtayda Faysbuuga waan, kugu ogsoonaaye, 💫 Duriyada Awoow-Aadan iyo, walaal Islaamkiiya, 💫 Soomaalida inaad ila tahaan, kuu arkahayaaye , 💫 An is barano maantaba isfahan , uunku wada gaarye , Abwaan : Axmad -heersa re