Talo guud
❇ Adigoo dhamaan daayacoo, seegay danahaagi, ❇ Dibnad dheelka daahdaaha iyo, dibu carruuraynta, ❇ Waa kuu damiir xumo inaad, daawataa filine, ❇ Dariiqyadu haday qaar xirmaan, Daa'im baa furiye, ❇ Meel adan dareemaynin baa, daah lagaa rogiye, ❇ Ha dulqaadan waayina gefkaa, laga ducaystaaye, ... © Axmad Aadan Dheel (Heersare)