Marba nooc
❇ Leedda-fuul marbaad doorbiddaa, lalinta dheerayne,
❇ Laammi-orodka gaariga marbaad, lixda ka baartaaye,
❇ Laylkina marbaad soo guddaa, ladina waydaaye,
❇ Leegleegsi laafyaha marbaad, lugaha doontaaye,
❇ Adoo laashka heli karo marbaad, laacdantaa garabe,
❇ Marbaad ceesh adoo loogan karo, liqidda daysaaye,
......
© Axmad Aadan Dheel (Heersare)
Comments
Post a Comment