Posts

Showing posts from 2024

Dawac moode Aar qoyay!

* Dadka ruuxi kuu jecel * Isagoo daloolaha  * Oraahdaada dalabta leh * Degdeg kaaga sixi kara  * Hadalkii ad doontiyo * Waxaad daa tiraahaba * Isagoonan diidayn * Markuu dabacsanaadoo * Da'da aad ku sugantiyo * Dajintaada eegoo * Xurmadaada door bido * Sidi inuu damiin yahay * Looma daba istaagoo * Dookha lagama qaadee * Waa inaad dareentaa * Darajaduu mutaystiyo * Garashadiisa doorka ah * Dadka lama ikraahee * Ruuxii dantiisiyo * Caafimaadka dahabka ah * Shaygii u daran iyo * Danihiisa garan kara * Duco iyo salaan iyo * Waano diirran mooyee * Sharcigaaba diidaye * Looma diro jawaasiis * Dawac moode Aar qoyay  * Kuwaan garan dugaaggee * Ruux kaa damiir kulul * Dano xeeriskiisiyo * Yay ku dagin ayaamaha * Dulqaadkiisu badan yahay * Shabeel daaman wayn oo * Dadka loo carbiyay iyo * Mas-good deegta kuu suran * Marna lama daciifsado * Caashaqu dareen iyo * Rabitaanka dookhiyo * Daacad noqosho weeyee * Dagaal iyo canaan iyo * Eedaha is daba yaal  * Dawadiisa maahee * Diga...

Adaan sugin gaddoonkii - Faarax Xuseen Sharmaarke (gabay)

Gabaygaan waxaa tiriyay Abwaan Faarax Xuseen Sharmaarke AUN asaga oo u jawaabaya Guuleed Jucfe Samatar AUN kadib markii uu Guuleed tiriyay gabay uu ku maagay Dheel iyo qaar kamid ah walaalihiis ilma Sharmaarke Cilmi.  Waxa la sheegaa Guuleed inuu ahaa Abwaan kibiraani ah oo dadku ay ka baqi jireen maadaama qofkii si qurux badan u marxabayn waaya uu gabay ku maagi jiray. Guuleed ayaa amin galab ah usoo martiyay Dheel Sharmaarke oo gees ka deggan qoysas badan oo ilma Sharmaarke ah. Gogol ayaa loo dhigay. Goortii uu fadhiistay ayaa waxaa yimid qaylo sheegaysa in xoolihii reerka aysan gacan ku jirin oo lala'yahay meeshay jaan iyo cirib dhigeen ilaa saakay. Ma baadi bay u maqan yihiin ma la dhacay mise bahal baa galay oo waxay u qaybsameen wax la cunay iyo wax kala fiigay, lama yaqaanno.  Dheel si halhaleel ah ayuu u istaagay wuxuuna yiri Guuleed soo dhawoow ciddu waa ciddaadi dadna waa joogaan anigu xoolihii baan goobistooda u kici. Guuleed wuxu u arkay inuusan mudnayn in laga aad...