Run iyo Riyo (Dream)
💫 Haasaawe orod iyo,
💫 Tartan la isu sharad tamay,
💫 Start-kiisa hore iyo,
💫 Afjarkiisa raganimo,
💫 Iyadoon la filanayn,
💫 Aqyaar wada atoora ah,
💫 Maxaan aayar dhaafoo,
💫 Guusha laygu aaminay,
💫 Irdihii shukaansiga,
💫 Inta aan la aqal galin,
💫 Eegmada jacaylkiyo,
💫 Erayada macaan iyo,
💫 Cirka sare uqaadkiyo,
💫 Romantic idilkii,
💫 Anigoo awoodaan,
💫 Alla ka cabsigaygiyo,
💫 Uga joogay diintee,
💫 Miyaad ii ogsoon tahay,
💫 Asluubta iyo sharaftiyo,
💫 Ehelkaaga xididkiyo,
💫 Aaba iyo hooyiyo,
💫 Abti iyo walaal iyo,
💫 Adeer iyo ayeeyiyo,
💫 Eedo iyo habaryaro,
💫 Awoowiyo dhamaantood,
💫 Intay iga mudnaayeen,
💫 Maxaan wada ogsoonoo,
💫 Inyar la iiga sheegayn,
💫 Aayaha dambeetana,
💫 Ubadka iyo reerkiyo,
💫 Dhaqankiyo isfahankiyo,
💫 Maxaan waaya aragnimo,
💫 Aqris iyo ogaalba leh,
💫 Aqoon wayn u leeyahay,
💫 Waxaad iga tabootana,
💫 Sida loo arimiyiyo,
💫 Amuuraha ku wacan iyo,
💫 Erayada kalgacalka leh,
💫 Maxaan kuu ogsoonahay,
💫 Ruux aan asluub iyo,
💫 Aqoon diin lahaynoon,
💫 Xeerka aadmi garan baa,
💫 Kibir kugu ag meeroo,
💫 Xilliyadaada uurkiyo,
💫 Aminada ad kulushahay,
💫 Eberkaa ku moodoo,
💫 Afxumiyo dagaal iyo,
💫 Kula aado qaylee,
💫 Wacaney ugbaadey,
💫 Maxaan oofin kari laa,
💫 Intaan kuu awoodoo,
💫 Aayar kaa farxini laa,
💫 Ilays shumac baxaayiyo,
💫 Iftiinkii nalkaa tahay,
💫 Ubax soo dilaacoo,
💫 Aroor joogo baa tahay,
💫 Neecow udgoon iyo,
💫 Saxansaxo ayaa tahay,
💫 Afar iyo tobnaad iyo,
💫 Dayax ololayaa tahay,
💫 Garaad aaqil sare iyo,
💫 Dhal ugaas ayaa tahay,
💫 Boqortooyo aadmiga,
💫 Queen edeb lahaa tahay,
💫 Riyadii an sugayaay,
💫 Intee baad ku sugan tahay!
Comments
Post a Comment