Posts

Dawac moode Aar qoyay!

* Dadka ruuxi kuu jecel * Isagoo daloolaha  * Oraahdaada dalabta leh * Degdeg kaaga sixi kara  * Hadalkii ad doontiyo * Waxaad daa tiraahaba * Isagoonan diidayn * Markuu dabacsanaadoo * Da'da aad ku sugantiyo * Dajintaada eegoo * Xurmadaada door bido * Sidi inuu damiin yahay * Looma daba istaagoo * Dookha lagama qaadee * Waa inaad dareentaa * Darajaduu mutaystiyo * Garashadiisa doorka ah * Dadka lama ikraahee * Ruuxii dantiisiyo * Caafimaadka dahabka ah * Shaygii u daran iyo * Danihiisa garan kara * Duco iyo salaan iyo * Waano diirran mooyee * Sharcigaaba diidaye * Looma diro jawaasiis * Dawac moode Aar qoyay  * Kuwaan garan dugaaggee * Ruux kaa damiir kulul * Dano xeeriskiisiyo * Yay ku dagin ayaamaha * Dulqaadkiisu badan yahay * Shabeel daaman wayn oo * Dadka loo carbiyay iyo * Mas-good deegta kuu suran * Marna lama daciifsado * Caashaqu dareen iyo * Rabitaanka dookhiyo * Daacad noqosho weeyee * Dagaal iyo canaan iyo * Eedaha is daba yaal  * Dawadiisa maahee * Diga...

Adaan sugin gaddoonkii - Faarax Xuseen Sharmaarke (gabay)

Gabaygaan waxaa tiriyay Abwaan Faarax Xuseen Sharmaarke AUN asaga oo u jawaabaya Guuleed Jucfe Samatar AUN kadib markii uu Guuleed tiriyay gabay uu ku maagay Dheel iyo qaar kamid ah walaalihiis ilma Sharmaarke Cilmi.  Waxa la sheegaa Guuleed inuu ahaa Abwaan kibiraani ah oo dadku ay ka baqi jireen maadaama qofkii si qurux badan u marxabayn waaya uu gabay ku maagi jiray. Guuleed ayaa amin galab ah usoo martiyay Dheel Sharmaarke oo gees ka deggan qoysas badan oo ilma Sharmaarke ah. Gogol ayaa loo dhigay. Goortii uu fadhiistay ayaa waxaa yimid qaylo sheegaysa in xoolihii reerka aysan gacan ku jirin oo lala'yahay meeshay jaan iyo cirib dhigeen ilaa saakay. Ma baadi bay u maqan yihiin ma la dhacay mise bahal baa galay oo waxay u qaybsameen wax la cunay iyo wax kala fiigay, lama yaqaanno.  Dheel si halhaleel ah ayuu u istaagay wuxuuna yiri Guuleed soo dhawoow ciddu waa ciddaadi dadna waa joogaan anigu xoolihii baan goobistooda u kici. Guuleed wuxu u arkay inuusan mudnayn in laga aad...

Jaamacadda Banaadir (gabay by Abwaan Axmed-Heersare)

* Gabay doora diiwaanka gala, dahab sidiisii ah * Dood cilmi leh dariiq toosan iyo, dirito suugaan ah * Daliil barax la' roob soo di'iyo, sidi daruurtii ah * Maanso diirran waa duubi jiray, dalandalkaygiiye * Dhaxalkii Darwiishkii Gedaa, igu duxaayaaye¹ * Dibnahayga goortaan furaa, laga dareemaaye * Ragga, dumarka duubkiyo martida, madaxda daahaysa * Duqaydiyo indheergarad waxaa, degelka soo buuxshay * Da'yartiyo aqoon yahan waxaa, nagu dul heeraaran * Dadweynaha kasoo qayb galee, wada dawaafaaya * Bare'yaasha daadihinayiyo, maamullada doorran * Waalid nagu dadaaliyo ardada, soo camiray deyrka * Salaan debacsan sidi doogga baxa, caraf dabaysheed leh * Dareemaha wadnaha iyo ka timid, laabta dacalkeeda * Iga hooya waa daw sharciga, noogu daabacan'e * Anoo geela daaqiisa jira, Gedo duleelkeeda * Diirhare ku nool iyo Shaway, Daawo dhinaceeda * Waatuu maanku ii diray inaan, yara dawaafaaye * Dabadeed waxan imid halkaan, waana soo degay'e * Aqoontana inaan daalacdoo, ...
Image
Alif ka ya' Gabaygi Abwaan Faarax Xuseen Sharmaarke Alle ha u naxariistee uu tiriyay mar la waydiiyay in uu tirin karo gabay ku dhisan alifbeetada carabiga isagoo an u fikirin ilsa markaas. Wuu ajiibay.          *Alif ❇️ Alif waxaan ka iri Eebeheen, axadun weeyaane, ❇️ Asaaggii ma jiro Xaamkimkii, uunka foofsadaye, ❇️ Amarkiisa mooyee ma jiro, waxaan awoodnaaye,          * Ba ❇️ Ba waxaan ka iri beel aduun,  baabah bay noqone, ❇️ Ban qiyaamo maantii xaqliga, laysu soo bixiyo, ❇️ Eeboow balowyaye ibliis, beeshi ha i raacin,          *Ta ❇️ Ta waxaan ka iri aadanow talo ma haysaane, ❇️ Taaqtaaqda beenta ah hadii, laysu turi waayo, ❇️ Maalintaa ninkii toobad laa, Naarta tagahayne,          *Tha ❇️ Tha waxaan ka iri soortu waa, saacad galinkeede, ❇️ Sanku neefle uunkoo dhan waa u, seeri Aakhiro'e ❇️ Soonkiyo Salaadiyo billaan, diinta lama seegin,   ...

Maanso Jacay ah (Faa'iso-Fiyoore)

Image
▪ Faa'isaay waxaa tahay,  ▪ Fariidadii hablood iyo, ▪ Fool ku qurux wanaag iyo,  ▪ Ubax iyo fiyooree,  ▪ Eegmadaada faraxa leh,  ▪ Ruuxii ku fiirshaba,  ▪ Qalbigaa u faaxoo,  ▪ Waa lagu fahmaystaa,  ▪ Ala maxaan fariidaay,  ▪ Intaan sheeko kuu furin, ▪ Bal inaanan fududaan, ▪ Qaabka wacan u fiirsado, ▪ Qalbigaygu ii faray, ▪ Oo dareenku igu fiday, ▪ Ala maxaan fariidaay,  ▪ La fikiray dartaayoo, ▪ Ka fogaaday ceeshkoo,  ▪ Sidi ruux la falanfalay,  ▪ Fiidkii wareegoo,  ▪ Barxadaha fariistoo, ▪ Maansooyin fara badan,  ▪ Farriin kuugu soo diray,  ▪ Ala maxaan fariidaay, ▪ Fiyaalaha magaaliyo, ▪ Faynuusta layrkiyo,  ▪ Ka fogaaday uunkoo,  ▪ Shimbiraha firxanayiyo,  ▪ Intaan Fiinta wehehshaday, ▪ Geedo hoos fariistoo,  ▪ Farahayga ciidaha, ▪ "Faa'iis" ku qorayoo,  ▪ Sida wehel u fiirsaday,  ▪ Ala maxaa fariidaay,  ▪ Wabiyada fataha iyo, ▪ Hirka ba...

Caasho Ilyaas - Holacday laabtii, gabay by: Ahmed-Heersare

Guji/riix  halkaan  Si ad u daawato gabaygan muuqaalkiisa

Geeraar jaceyl iyo haasaawe

✔ Sida mira tufaax iyo, ✔ Canabka iyo saytuun, ✔ ... Sii aqri: Riix halkan (click here)