Posts

Showing posts from April, 2018

Geeraar Romantic ah!

*Sharafeey dhanbaal sare,,, *Lagu dheehay xiisoo,,, *Dhadhankiisu wacan yahay,,, *Dheemaneey bal iga hoo,,,  *Sidi ubax dhallaanoo,,, *Ku dhashay barwaaqoo,,, *Ka da'ayso dhadadoo,,, *Wada fidiyay dhagahee,,, *Dhaldhalaalayaa tahay,,, *Dhugashada kalgacalka leh,,, *Dhabankaaga quruxda leh,,, *Indhahaaga dheeha leh,,, *Dhexdaada iyo laafyaha,,, *An lahayn wax dheeliya,,, *Markaad soo dhaqaaqdee,,, *Hadba dhinac u liicdaa,,, *Qalbigu ila dhaqaaqaa,,, *Dheeman saafiyaa tahay,,, *Luulkii la dhoofshee,,, *Qol mugdiya la dhigayee,,, *Ka dhex baxahayaa tahay,,, *Aloow yaa ku dhawrtoo,,, *Dhibka kaa ilaashoo,,, *Dhibcihii xalaashiyo,,, *Dhaqan kula wadaagoo,,, *Dhexdaada isku duuboo,,, *Horaadaha dhexdoodiyo,,, *Kaa shumiyo dhabanada,,, *Indhahaa ku dhowrtoo,,, *Qalbigaa ku dhe...

Geeraarro jacayl (goos goos)

Image
FG: Xiddigta dhexe waxay kala soocaysaa meerisyada anan isla socon. 🌷 sidii mira tufaax iyo, 🌷 canabka iyo saytuun, 🌷 ama malab si saafiya, 🌷 loo miiray heersare, 🌷 dhadhanka u sarreeyiyo, 🌷 bilicdaad u sidataa, 🌠 Alloow yaa dalxiis iyo,, Kula maro damaashaad,, Kula raaco doon iyo,, Markab aan daboolnayn,, Ama diyaarad sare iyo,, Kula maro daruuraha,, Laangaruusal dadanoo,, Muraayada dallacan iyo,, Kugu daadihiyo Faras,, 🌠 * Inanyahay wax badan baan aqaan, buug ka daabacaye, * Bilicdaada way wacantahoo, baatir baa tahaye, * Hayska beel darayn baan ku iri, bagaad shalaayayne, 🌠 * anunbaa walwalayoo, * wehelkaygi tabayoo, * labadaydi waaxood, * midood la walbahaaree, * ruuxii wax garadaa, * wax qarsoon dareemee, * garaacii wadnaha iyo, * warwarkii qabiga yaa, * waraysiga ka qaadoo, * wacantaan u xiisiyo, * wariyaha usii diro, * dadka hala wadaagee, 🌠 🌠Mcnka erayadaadaa, 🌠Maankayga dhex qaadoo, 🌠Ku milmay jidhkaygoo, 🌠Sidi malabki weeyee, 🌠Mc hadaan...

Lama daaho ruux fikir bay dawakhay

Image
🌷 Inaan daacad iyo, 🌷 Isu nahay dabiib, 🌷 Dabinadii horaan, 🌷 Diiwaaninee, 🌷 Dalxiis aan mariyo, 🌷 Kama bogan damaashaad, 🌷 Diricdii ka maqan tahay, 🌷 Difaacii jidhkiyoo, 🌷 Ma daawoobin unugyadii, 🌷 Naftu waa daciif, 🌷 Qalbiguna ka daran, 🌷 Lama daaho ruux, 🌷 Fikir bay dawakhay, 🌷 Da'yartii an caashaqay, 🌷 Ubax dillaacay iyo, 🌷 U ekayd daruuraha, 🌷 Dookhaa raacayoo, 🌷 Diiday naftii, 🌷 Dumarkii kalee, 🌷 Dayax soo iftiimoo, 🌷 Daciifiyay xidigihiyo, 🌷 Shamso duhurki joogtiyo, 🌷 Macan dahab la moodyeey, 🌷 Damiirkaagi aaway, 🌷 Dumarka aad la dheerayd, 🌷 Dahniga kama baxayside, 🌷 Farxadaada dunidiyo, 🌷 Damacaaga iska wado, 🌷 Aniguna daraadaa, 🌷 Ha iqaado doonidu, 🌷 Markab aan dagayn iyo, 🌷 Baxar daa'imaan galay, 🌷 Adna maygu daysoo, 🌷 Igu daawanaysaa ?! (A. Heersare )

Ha buux dhaafo jacaylka ad u hayso bashiirka

🌷Ha buux dhaafo jacaylka🌷 💓 Rasuulku waa baraheeni, 💓 Inaan naar ka badbaadno, 💓 Baxareeyay Naftiisoo, 💓 Dhiigiisa babaaxshoo, 💓 Buuralayda u jiiroo, 💓 Baadariinta u laayiyo, 💓 Kuwa beeniyay diintee, 💓 Ha buuxdhaafo jacaylka, 💓 Ad u hayso bashiirka, 💓 Marna waa bini aadam, 💓 Bashar weeye wanaagsane, 💓 Boqor wayne xaqiisiyo, 💓 Ha u bootin cibaado, 💓 Hana baylihin tiisoo, 💓 Ha buuxdhaafo jacaylka, 💓 Ad u hayso bashiirka, 💓 Hadii aad u basaastoo, 💓 Beerkiyo wadnahaagu, 💓 U bukootay xabiibka, 💓 Bishaarayso miciisaad, 💓 Berritoole ahaanoo, 💓 Adigaa ku bulaaliye, 💓 Ha buuxdhaafo jacaylka, 💓 Ad u hayso bashiirka, 💓 Badiyoo saligiisa, 💓 ...

WhatsApp group an fahmi waayay ayay igusoo dareen

Group-ka kaftanka, War bal kaa layaay, Muxuu yahay kadeedkaan! Ma kob lagu caweyoo, Qabow iyo kulayl iyo, Koobab shaah cadays iyo, Kafeegiyo bigayskiyo, Kobashiinku yaaloo, Koolalka iyo sheekada, Layska koobiyaayoo, Kurbadiyo wareekaba, Kolkaa lagu ilaawaa, Ma kob loo dalxiisoo, Loo kala ordaayoo, Kaydadkii qadiimiga, Iyo kuwa kaloo wacan, Kansigoodu yaalaa, Ma kob lagu dagaaloo, Kaarihiyo suugiyo, Kiimikada la qooshiyo, Kanooniga wax laayiyo, Sunta ilinta keentaba, Laysku kaarahaayoo, Loo xiisaa kurgooyada, Ma kob lagu kurboodoo, Kuraydii ibliiskiyo, Kuwo aan xishoon iyo, Kalaabyada la aadoo, Hadal kiisa ugu daran, Lagu wada kalaamaa, Mise meel kartida iyo, Kumbuyuutaraadkiyo, Kooxaha wax barashada, Laysugu kalkaaloo, Kaalimaha ab...

About this blog

This blog belongs to me, Ahmed Dhell, a Somali young poet. The things I post here may include: 1) Islamic religion 2) Somali culture 3) Poems in somali and maybe other languages 4) Love and Historical events.