WhatsApp group an fahmi waayay ayay igusoo dareen

Group-ka kaftanka,

War bal kaa layaay,
Muxuu yahay kadeedkaan!

Ma kob lagu caweyoo,
Qabow iyo kulayl iyo,
Koobab shaah cadays iyo,
Kafeegiyo bigayskiyo,
Kobashiinku yaaloo,
Koolalka iyo sheekada,
Layska koobiyaayoo,
Kurbadiyo wareekaba,
Kolkaa lagu ilaawaa,

Ma kob loo dalxiisoo,
Loo kala ordaayoo,
Kaydadkii qadiimiga,
Iyo kuwa kaloo wacan,
Kansigoodu yaalaa,

Ma kob lagu dagaaloo,
Kaarihiyo suugiyo,
Kiimikada la qooshiyo,
Kanooniga wax laayiyo,
Sunta ilinta keentaba,
Laysku kaarahaayoo,
Loo xiisaa kurgooyada,

Ma kob lagu kurboodoo,
Kuraydii ibliiskiyo,
Kuwo aan xishoon iyo,
Kalaabyada la aadoo,
Hadal kiisa ugu daran,
Lagu wada kalaamaa,

Mise meel kartida iyo,
Kumbuyuutaraadkiyo,
Kooxaha wax barashada,
Laysugu kalkaaloo,
Kaalimaha abaal marin,
Farxad iyo kurba la'aan,
Lagu wada kifaaxaa,

Mise waa karaamiyo,
Kob jacaylka Eebahay,
Iyo kii xabiibkaba,
Loo kala tartamayoo,
Kitaabkii qur'aankiyo,
Kumanaan xadiisyada,
Korka laga aqrinayoo,
Kaaha nuurku yaalaa,

Waa su'aalo koobane,
Kaartada guruubkaan,
Kor hadaan ka eegana,
Kaftanka aad u bixiseen,
Hoos markaan u kuurana,
Kala maan ujeediyo,
Ruuxba meel u kaatibay,
Bal soo kooba sheekada,

Comments

Popular posts from this blog

Gabay amaan Gabar | Abwaan Heersare Dheel (Axmed Heersare)

Adaan sugin gaddoonkii - Faarax Xuseen Sharmaarke (gabay)

Maanso Jacay ah (Faa'iso-Fiyoore)