Geeraarro jacayl (goos goos)


FG: Xiddigta dhexe waxay kala soocaysaa meerisyada anan isla socon.

🌷 sidii mira tufaax iyo,
🌷 canabka iyo saytuun,

🌷 ama malab si saafiya,
🌷 loo miiray heersare,

🌷 dhadhanka u sarreeyiyo,
🌷 bilicdaad u sidataa,

🌠


Alloow yaa dalxiis iyo,,

Kula maro damaashaad,,

Kula raaco doon iyo,,

Markab aan daboolnayn,,

Ama diyaarad sare iyo,,

Kula maro daruuraha,,

Laangaruusal dadanoo,,

Muraayada dallacan iyo,,

Kugu daadihiyo Faras,,

🌠


* Inanyahay wax badan baan aqaan, buug ka daabacaye,

* Bilicdaada way wacantahoo, baatir baa tahaye,

* Hayska beel darayn baan ku iri, bagaad shalaayayne,

🌠


* anunbaa walwalayoo,
* wehelkaygi tabayoo,
* labadaydi waaxood,
* midood la walbahaaree,
* ruuxii wax garadaa,
* wax qarsoon dareemee,
* garaacii wadnaha iyo,
* warwarkii qabiga yaa,
* waraysiga ka qaadoo,
* wacantaan u xiisiyo,
* wariyaha usii diro,
* dadka hala wadaagee,

🌠


🌠Mcnka erayadaadaa,
🌠Maankayga dhex qaadoo,
🌠Ku milmay jidhkaygoo,
🌠Sidi malabki weeyee,
🌠Mc hadaan kusiin laa,
🌠Soo kama maqsuudeen,
Haa
aad iyo aad

🌠


* Kalsoonidan kugu qabaa,
* Ka wayn noloshayda oo,
* Kurbada waxan waayayaa,
* Kolkaad ii kaalaydee,
* Kulayka an kuu qabaa,
* Ku daawee kaalin sare,

🌠


* Boqoradii naftaydaay,
* inaan waayo bilicdaada,
* u basaaso maqalkaada,
* adoo joogo baladkayga,
* anoo baahi kuu qabana,
* i baxnaanin kari waydo,
* boga iyo wadnuhu haatan,
* inuu yahay bukaan socodo,
* baahidaadu igu raagto,
* adna uu baraarihiyo,
* kuu boxo cawayskaagu,
* soo laba bad wayn maaha,

* kama helin jawaab baaqi,
* ilaa xalay an soo baasay,
* waa su'aal ka timid beerka,
* qalbiguna bislayn waaye,
* xagee beelay love keeni !

🌠

Qaalidii haweeynkaay,

Qalanquulka ubixiyo,

Neecow qaboow iyo,

Qadraay sidi fiyooraha,

Ayaan kugu qiyaasoo,

Waxaa tahay naf qaaliya,


🌠


Simaney walaal sare, 

Gabar saafiyaa tahay,

Sinaantiyo akhlaaqdiyo,

Socodka iyo laafyaha,

Hablaha tan u sarreeysee,

Ubaxa u siddaa tahay,


Simaney walal sharaf,

Soo xusuuso wiilkii,

Saafiga ahaayee,

Rabay inuu si daacada,

Xiriir kula sameeyoo,

Kaa yeesho soul mate,


Saxansaxada roobkana,

Subaxyada barwaaqada,

Ubaxyada salaantiyo,

Saamiga naftiisiyo,

Samaan kula wadaagoo,

Qalbiga kuu sifeeyee,

Simaney bal xasuuso,

🌠


*Dabecadii macaanayd,,,

*Dahabka lagu masaaliyo,,,

*Codki dabacsanaayee,,,

*Damqinaayay beerkoo,,,

*Dahniga raaxadiisiyo,,,

*Soo dumaayay laabtee,,,

*Kaaga doortay qayrkaa,,,

*Kalsoonidii maxaa dilay,,,

*Miyaa laysku keen diray,,,

🌠


πŸ’“ Codkaaga inan maqlaan,

πŸ’“ Cindiga ku hayee Tufaax,

πŸ’“ Caashaqa an kuu qabaan,

πŸ’“ Cawayski la seegayoo,

πŸ’“ Caloolyow iyo rafaad,

πŸ’“ Ayaan casarka iyo subax,

πŸ’“ Ceeshkii oga go'ay dartaa,

🌠


Adigaan kuwaayoo,

Oogada jirko idil,

Kuu ooman tahayoo,

Marna aan ilaawayn,

Waxan isu ahayne,

macan macan ku aaway!

🌠


Thanks darling;

Qoralada carfaayee,

Calaamadda jcylkiyo,

Laga curiyay laabtaa,

Caawiyay wadnaha oo,

Calankii dareenkiyo,

Cirka kore igeeyoo,

Caadda sare ayaan ahay,

🌠


Sida laanta dhabigoo,,

Liil gaduudan bixisoo,,

La liicayso dhibic roob,,

Layrtu ay ruxaysaan,,

Laafyahaaga eegtaa,,

Heedhe yaa ku lacoo,,

Laabta aanan kaa bixin"

🌠


(A. Heersare) 


Comments

Popular posts from this blog

Gabay amaan Gabar | Abwaan Heersare Dheel (Axmed Heersare)

Adaan sugin gaddoonkii - Faarax Xuseen Sharmaarke (gabay)

Maanso Jacay ah (Faa'iso-Fiyoore)