Geeraar Romantic ah!
*Sharafeey dhanbaal sare,,,
*Lagu dheehay xiisoo,,,
*Dhadhankiisu wacan yahay,,,
*Dheemaneey bal iga hoo,,,
*Sidi ubax dhallaanoo,,,
*Ku dhashay barwaaqoo,,,
*Ka da'ayso dhadadoo,,,
*Wada fidiyay dhagahee,,,
*Dhaldhalaalayaa tahay,,,
*Dhugashada kalgacalka leh,,,
*Dhabankaaga quruxda leh,,,
*Indhahaaga dheeha leh,,,
*Dhexdaada iyo laafyaha,,,
*An lahayn wax dheeliya,,,
*Markaad soo dhaqaaqdee,,,
*Hadba dhinac u liicdaa,,,
*Qalbigu ila dhaqaaqaa,,,
*Dheeman saafiyaa tahay,,,
*Luulkii la dhoofshee,,,
*Qol mugdiya la dhigayee,,,
*Ka dhex baxahayaa tahay,,,
*Aloow yaa ku dhawrtoo,,,
*Dhibka kaa ilaashoo,,,
*Dhibcihii xalaashiyo,,,
*Dhaqan kula wadaagoo,,,
*Dhexdaada isku duuboo,,,
*Horaadaha dhexdoodiyo,,,
*Kaa shumiyo dhabanada,,,
*Indhahaa ku dhowrtoo,,,
*Qalbigaa ku dheefsado,,,
*Dhooley laafyahaagee,,,
*Heedhe yaan ku dhiginoo,,,
*Sariir dheemanoo wacan,,,
*Kula fuulo meel dheer,,,
*Marna dhulka kula tago,,,
*Kula dheelo waligaa,,,
*Oo boqorad kaa dhigo,,,
(A. Heersare)
Brother adiga maa qoro geerarada sidaan umacaan wll iso isojawaab bro ama WhatsApp igaso qabo sxb labarkan 0619579802 muqdisho
ReplyDeleteBrother adiga maa qoro geerarada sidaan umacaan wll iso isojawaab bro ama WhatsApp igaso qabo sxb labarkan 0619579802 muqdisho
ReplyDeleteMansha allah runtii waa erayo aad umacaan lkn waxaan ubaahnaa gabadh kaa cadhootay mid loo qaado oo lagu sasabo kkkk
DeleteM.a aad iyo aad ayan ULA dhacay sxb
Deleteishcalaa geeraar
ReplyDeleteShukran walal sare
DeleteShukran walal sare
DeleteShukran walal sare
DeleteWan kahelay walal
Deletea
ReplyDeletewaw waa geerar aad umac sxb
ReplyDeleteMahadsanid walal sare
DeleteMahadsanid walal sare
DeleteSxb geerarada ada iyo ada bey u macan yihin ee numberkag iigu sodiri ama what is appka +256792236593
DeleteMahadsanid horta marka kowaad Mcln baad thy waana ku aminsanahay
ReplyDeleteAdaa mudan walal sare soo dhawoow adigoo aad u mahadsan
DeleteAdaa mudan walal sare soo dhawoow adigoo aad u mahadsan
Deletewaw afka malab lagu qabay
ReplyDeletesxb waa Cajiib dhab ahaanti
ReplyDeleteWar wll ad bad umahadsantahay wey iga aqbashey h
ReplyDeleteJacaylki😭😂
Mnsh allah Erayo Akhrintodu Naftu Aad ula Dhacday Qadarin iyo Xushmad Ban Kuu Hayaaa Zhp
ReplyDeleteKan anaa LA ii sameeyay adinka midkle iska raadsada asxabey Hana igu qabsanina fadlan... .hhhhh
ReplyDeleteCaaawa islaantii baan u diray
ReplyDeleteWalee waxa ay timid iyadoo
Macwis qoodha u saaranthy
Mashallah
ReplyDeleteAllah kuxafido
Walalkay ifka nabad Ku joog
Wlhi aad baan uulaa dhacay iinabaa caadi ma ahaan
ReplyDeleteWwwwww m.a ishacalaa qurux lkn mid rag lagu amaanayana mxd usoo sameyn weysay wllky
ReplyDeleteAssalamu alaikum walal qali wankaga mahad celinayaa sida qiimaha badan aad ugu adeegto
ReplyDeleteThe Rundown Of Casinos In Chicago | The JamBase
ReplyDeleteThe Rundown 서울특별 출장샵 Of Casinos In 광명 출장안마 Chicago. 통영 출장마사지 The Rundown Of Casinos In Chicago. 상주 출장샵 The Rundown Of Casinos In Chicago. 충청북도 출장마사지 The Rundown Of Casinos In Chicago. The Rundown Of Casinos In Chicago. The Rundown Of Casinos
Bru waku mahad santhy sida aad wakhtiga ugalisay lamaaanaha eryo mcn iswaydaar sadan wakhtigu wu ordaya 2018 ba qorty 5sano kabacdi ba qorlkaga arky waxan jeclhy inaad cafimad qabto
ReplyDeleteWaan la dhacay
ReplyDelete