Ha buux dhaafo jacaylka ad u hayso bashiirka
🌷Ha buux dhaafo jacaylka🌷
💓 Rasuulku waa baraheeni,
💓 Inaan naar ka badbaadno,
💓 Baxareeyay Naftiisoo,
💓 Dhiigiisa babaaxshoo,
💓 Buuralayda u jiiroo,
💓 Baadariinta u laayiyo,
💓 Kuwa beeniyay diintee,
💓 Ha buuxdhaafo jacaylka,
💓 Ad u hayso bashiirka,
💓 Marna waa bini aadam,
💓 Bashar weeye wanaagsane,
💓 Boqor wayne xaqiisiyo,
💓 Ha u bootin cibaado,
💓 Hana baylihin tiisoo,
💓 Ha buuxdhaafo jacaylka,
💓 Ad u hayso bashiirka,
💓 Hadii aad u basaastoo,
💓 Beerkiyo wadnahaagu,
💓 U bukootay xabiibka,
💓 Bishaarayso miciisaad,
💓 Berritoole ahaanoo,
💓 Adigaa ku bulaaliye,
💓 Ha buuxdhaafo jacaylka,
💓 Ad u hayso bashiirka,
💓 Badiyoo saligiisa,
💓 Adigaa ku baraariye,
💓 Ku boskee qalbigaadoo,
💓 Sunnadiisa ku beeroo,
💓 Ha buuxdhaafo jacaylka,
💓 Ad u hayso bashiirka,
💓 Boorrintii wadadiisiyo,
💓 Baababkuu ka dardaarmiyo,
💓 Dhaqankii barakaysnaa,
💓 Adigoonan ka bayrin,
💓 Ha buuxdhaafo jacaylka,
💓 Ad u hayso bashiirka,
Scw
Comments
Post a Comment