Lama daaho ruux fikir bay dawakhay

🌷 Inaan daacad iyo,
🌷 Isu nahay dabiib,
🌷 Dabinadii horaan,
🌷 Diiwaaninee,

🌷 Dalxiis aan mariyo,
🌷 Kama bogan damaashaad,
🌷 Diricdii ka maqan tahay,
🌷 Difaacii jidhkiyoo,
🌷 Ma daawoobin unugyadii,

🌷 Naftu waa daciif,
🌷 Qalbiguna ka daran,
🌷 Lama daaho ruux,
🌷 Fikir bay dawakhay,

🌷 Da'yartii an caashaqay,
🌷 Ubax dillaacay iyo,
🌷 U ekayd daruuraha,
🌷 Dookhaa raacayoo,
🌷 Diiday naftii,
🌷 Dumarkii kalee,

🌷 Dayax soo iftiimoo,
🌷 Daciifiyay xidigihiyo,
🌷 Shamso duhurki joogtiyo,
🌷 Macan dahab la moodyeey,
🌷 Damiirkaagi aaway,
🌷 Dumarka aad la dheerayd,

🌷 Dahniga kama baxayside,
🌷 Farxadaada dunidiyo,
🌷 Damacaaga iska wado,
🌷 Aniguna daraadaa,
🌷 Ha iqaado doonidu,
🌷 Markab aan dagayn iyo,
🌷 Baxar daa'imaan galay,
🌷 Adna maygu daysoo,
🌷 Igu daawanaysaa ?!

(A. Heersare)

Comments

Popular posts from this blog

Gabay amaan Gabar | Abwaan Heersare Dheel (Axmed Heersare)

Adaan sugin gaddoonkii - Faarax Xuseen Sharmaarke (gabay)

Maanso Jacay ah (Faa'iso-Fiyoore)