Waano arday
❇ Kallahada :
Dadaal Ardayahow dadaal ,
Dalkaagii wacnaa iyo ,
Dadkibaa ku sugayoo ,
Inaad darajo gaartoo ,
Naftaadana daryeeshoo ,
Qarankaaga dahabka ah,
Door wayn ka qabataa ,
Lagaa doonayaayoo ,
Laguugu soo dadaalaye ,
Bal dareen u ujeedada ,
Ku shaqee damiirkana ,
Ruux ku daahay soo jeed ,
Inta badan dareen fudud ,
Kama tooso derintee ,
Shay darajo wayn iyo ,
Camal diini mooyee ,
Adoo door ahaan karo,
Waxan ahayn dantaadiyo ,
Ha ku daahin madadaal ,
Dhafar yay ku dabamarin ,
Kallahada dantaada ah,
Daakiraadda subaxnimo ,
Dagdag horay usoo bood ,
Direeskaaga qaadoo ,
Diritee hanaankoo ,
Agabkaaga duuboo ,
Dugsiyada u qalab xiro,
Daahdaah ma fiicnee,
Talaabada dafleeyoo,
Ha dambaynin waligaa, ...